Kismaayo(RBC Radio) Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe oo shalay madaxweyne ay u doorteen Ergadii ku shirsaneed Jaamacadda magaalada Kismaayo ayaa dowlada Federaalka Soomaaliya ku eedeeyey iney dhibaato ka wado magaalada Kismaayo,Axmed Madoobe ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya ay ugu baaqeen marar badan iney ka qayb gasho shirka Kismaayo balse ay dhegaha ka fureysatay.
Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya looga baahnaa iney saxdo waxyaabaha qaldama balse aysan u habooneen iney iyadu qaladaad ku dhaqaaqdo sida uu tilmaamay,wuxuuna tibaaxay in dowladu ay ka gaabisay hawlihii loo igmaday isla markaane ay hawl ka dhigatay arimaha Jubaland sida uu hadalka u dhigay.
Wuxuuna ku eedeeyey dowlada Soomaaliya iney wax ka qaban weysay dhibaatada ka jirta goobaha ay gacanta ku hayso isla markaane aysan u wanaagsaneen iney isku hawsho magaalada Kismaayo iyo arimaha maamulka Jubaland,wuxuuna ku nuuxnuuxsaday iney dowladu hareer martay wixii ay bulshadu ka sugeysay siduu hadalka u yiri Axmed Madoobe.
Madaxweyne Axmed ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya ay qaadan doonto masuuliyadda waxa ka dhaca Kismaayo,wuxuuna wax laga xumaado ku tilmaamay fikirka dowlada ee Jubooyibka,isagoona diiday go’aanka dowladu ay maamulo kumeelgaar ah ugu magacowday gobolada Jubooyinka iyo Gedo.kuwaas oo la sheegay in qaarkood ay ku sugan yihiin gudaha magaalada Kismaayo.
RBC Radio