Muqdisho(RBC Radio) Gudoonka baarlamaanka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday iney wadaan qaban-qaabada dhisida ciidan boolis ah oo si gaara u ilaaliya amniga xildhibaanada baarlamaanka federaalka Soomaaliya gudoomiye baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa sheegay in dhawaan la hawlgalin doono ciidan gaara oo suga nabadgalyada xarunta golaha shacabka iyo mudanayaasha baarlamaanka.
Gudoomiye Jawaari ayaa sheegay iney la xiriireen taliska ugu sareeya ciidamada booliska Soomaaliyeed isla markaane ay isku raaceen in la dhiso ciidan boolis ah oo si gaar ah u tababaran kuwaas oo sugi doona amniga golaha shacabka iyo mudanayaasha baarlamaanka.
Gudoomiyaha baarlamaanka ayaa sheegay in arintani ay ka danbeysay kadib markii ay isa soo tartay cabashada mudanayaasha baarlamaanka ee ku aaddan amniga xarunta golaha shacabka iyo in meel looga dhoco xasaanadooda xildhibaanimo xiliyada ay galayaan xarunta golaha shacabka oo la marsiiyo baaritaano adag oo ay dhibsadeen mudanayaasha baarlamaanku.
Jawaari ayaa sheegay in ciidankan loo furi doono tababar gaara isla markaane la bari doono Xasaanada xildhibaanka ,wuxuuna intaa ku daray iney deg deg u hawl galin doonaan Taleefanada furan kuwaas oo loogu tala galay iney mudanayaashu soo wacaan hadii ay dareemaan amni xumo,wuxuuna tilmaamay iney aaminsan yihiin iney meesha ka bixi doonaan cabashooyinka mudanayaasha baarlamaanka marka ay si rasmi ah ciidankaasi u bilaabaan hawshooda.