Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Wasiir Somaliland ah oo Sheegay in Dawlada Turkiga Ay Ka Taageereyso Biyaha Iyo Caafimaadka

$
0
0

Istanbul (RBC) Wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” ayaa haatan ku sugan wadanka Turkiga halkaasoo kulamo ay kula yeesheen raysul wasaare ku xigeenka Turkiga Bekir Buzdeg.

Wasiirka arrimaha dibadda maamulka Somaliland Maxamed C/laahi Cumar oo ka warbixiyey socdaalka wafdiga Axmed Siilaanyo ee Turkiga ayaa sheegay in maamulka Somaliland uu weydiistay dawlada Turkiga inay ka caawiso dhanka biyaha iyo caafimaadka.

“Waxaanu ka wadahadalnay sidii aan iskaga kaashan lahayn dhanka horumarinta, gaar ahaan Somaliland waxay codsatay in laga taageero mashaariicda biyaha iyo caafimaadka.” ayuu yiri wasiirka.

Dawlada Turkiga ayaa maamulka Somaliland u ballanqaaday inay u dhiseyso ceelal biyood iyo haamaha keydka, isla markaana dhakhaatiir ay geyneyso Hargeysa si ay u caawiyaan dadka ku nool Hargeysa.

Sida wasiirka Somaliland u hadlay uu sheegay, waxaa Axmed Siilaanyo uu codsaday in diyaaradda Turkish Airlines oo hadda duulimaadyo ku timaada Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka, in ay duulimaad ay ku tagto magaalada Hargeysa, balse arrintaasi weli la iskuma raacin waxaase la sheegay in dib loo eego doono garoomada ay ku dageyso diyaaradda iyo jadwalka duulimaadyada caalamka ay ku bixiso diyaaradda Turkish Airlines.

Wadahadalka dhexmaray madaxweynaha maamulka Somaliland iyo saraakiisha dawlada Turkiga laguma soo qaadin, mana ku jirin ka hadalka arrimaha aqoonsi raadiska ee maamulka Somaliland ku hawlanaa 20-kii sano ee la soo dhaafay maadaama Somaliland ay sheegatay inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale.

Dawlada Turkiga ayaa ah dawladii ugu horreysay ee kaalmooyin gargar bani’aadanimo iyo shaqaaleheeda caafimaadka keentay Soomaaliya sanadkii 2011 ka dib markii abaaro ba’an ay ku habsadeen dalka, waxaana Turkiga ay Muqdisho ka fureen safaaradooda iyadoo in ka badan 30 hay’adood oo noocyo kala duwan oo ku sugan Muqdisho iyo deegaanada Puntland ay wadaan mashaariic dib u dhis ah.

 

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles