Muqdisho (RBC Radio) Saraakiisha dhanka amaanka magaalada Kismaayo ayaa sheegay in amniga magaaladaas uu yahay mid sugan taliyaha maamulka Kismaayo u qaabilsan dhanka amaanka ayaa shaaca ka qaaday in amniga magaalada Kismaayo uu yahay mid 100% sugan wuxuuna meesha ka saaray in magaaladaas ay ka jiraan fadqalalooyin liddi ku ah amniga shacabka ku dhaqan magaalada Kismaayo.
Max’uud Qaalib oo ah taliyaha dhanka amniga u qaabilsan magaalada Kismaayo ayaa tilmaamay ineysan jirin ammaan darro ka jirta magaaladaas,wuxuuna sheegay iney kala jeheeyeen ciidamada faraha badan ee kala duwan kuwaas oo ku wada sugan gudaha magaalada Kismaayo isagoona tibaaxay in la kala geeyey goobo loo kala asteeyey.
Mr Qaalib ayaa been abuur ku tilmaamay wararka sheegaya in shacabka ku dhaqan magaalada Kismaayo ay qaati ka taagan yihiin ciidamada gacanta ku haya Kismaayo wuxuuna sheegay in hadafkooda ugu weyn uu yahay sugida amniga shacabka magaalada Kismaayo iyo ilaalinta hantidooda.