Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Shirka Wasiirada Arimaha Gudaha Jaamacada Carabta oo Maanta Riyaad ka Furmaya

$
0
0

 

Riyaad(RBC Radio) Shirka wasiirada arimaha gudaha wadamada jaamacada carabta ayaa maanta ka furmaya magaalada Riyaad ee caasimada boqortooyada Suucidi Carabiya shirka ayaa waxaa Soomaaliya uga qayb galaya wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka xukuumada Soomaaliya Cabdi Kariin Xuseen Guuleed iyo wafti uu hogaaminayo,waftiga Soomaaliya ayaa markii ay gaareen garoonka diyaaradaha magaalada Riyaad waxaa si diiran u soo dhaweeyey masuuliyiin ka socda dowlada Sucuudiga iyadoona markii danbe loo galbiyey aqalka martiga magaalada Riyaad.

Shirkan oo ah mid la qabto 2-dii sanaba mar ayaa waxaa looga arinsanayaa arimaha ka jira gudaha wadamada jaamacada carabta waxaana ugu waaweyn waxyaabaha diirada lagu saarayo shirka wasiirada arimaha gudaha wadamada Jaamacada Carabta Iskaashiga wadamada Carabta,La dagaalanka burcadbadeeda,dagaalada Siiriya,Qadiyada Falastiin,xaalada Soomaaliya iyo qodobo kale oo ku saabsan arimaha wadamada carbeed.

Wasiirka arimaha gudaha xukuumada Soomaaliya Cabdi Kariin Xuseen Guuleed ayaa la faliyaa inuu wasiirada carbeed ee dhigiisa uu uga warbixiyey marxalada cusub ee ay gashay jamhuuriyada Soomaaliya iyo sidii ay wadamada carbeed isku barbar taagi lahaayeen dowlada Soomaaliya,waxaana lagu wadaa in marka uu shirku soo idlaado laga soo saaro war murtiyeed ku aaddan waxyaabihii la isku raacay.

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles