Saddexleey
Cabdullaahi Janno
claahijanno@gmail.com
Maarso 13 2013
Macallinkii wuxuu si aayar ah u dhex socday fasalka. Hadba arday ayuu dul istaagayay. Curis ayay ardaydu qorayeen. Wuxuu eegay saacad ugu xirneyd midigta.
“Saddex daqiiqo ayaa idiin hartay,” ayuu yiri Macallinkii, “soo gabagabeeya qoraalka.”
Daqiiqado ka dibna wuxuu Macallinkii ardayda amray inay qalimaanta dul saaraan miiska.
“Yaa akhrinaya?” ayuu yiri, “oo nala wadaagaya wixii ay curiyeen?”
Gabar xijaaban ayaa farta taagatay.
“Fartuun, haye, bal ina maqashii,” ayuu yiri Macallinkii.
“Macallin waxaan curiskaan u bixiyay ‘Saddexleey’,” ayay tiri Fartuun. “Saddex ayaan saddex la jeclaaday. Qowmiyadda Soomaaliyeed—iyo saddex talo oo aan la jeclaaday. Qoyska Soomaaliyeed—iyo saddex aan la jeclaaday. Qofka Soomaaliyeed—iyo saddex aan la jeclaaday.
“Ka qowmiyad ahaan, saddex ayaan la jeclahay. Kow: siduu u dabar go’ay ereygii ‘dawladda ku-meel-gaarka’ ahaa (DKMG) ayaan u jeclahay inay Soomaalidu u soo af-jarto isticmaalka ereyga ‘madaxweyne’ oo laga isticmaalo maamul-goboleedyada. Labo: in ereyga ‘looma dhamma’ laga tirtiro luuqadda siyaasadda. Saddex: ereyga ‘qaxooti’ oo ay Soomaalidu saddex dalaaqo ku furto: oo kow, qalbiga ka furto; labo, maskaxda ka furto; iyo saddex, carabkana ka furto oo aan la sheegsheegin, lana sahmin waddamo shisheeye oo qaxootiga u roon.
“Maxaan ku maagay ereyadaas? Waa ereyo qeyb weyn ku leh jahwareerka qowmiyadda Soomaaliyeed—mudanna in sidii gumeystihii xor looga noqdo maskaxiyan. Kow: hoggaamiye-beeleed walba oo ‘madaxweyne’ loogu yeero waxay qiimo-tir ku tahay magacii iyo mudnaantii jagada dalka u sarreysa ee ah ‘Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya’. Labo: ‘looma dhamma’ waxay dishaa midnimada iyo rajada qaran—colaaddana soo dedejisaa. Saddex: ‘qaxootinimo’ faan iyo fiyowbi midna ma’ahan—oo waxay taladii qaranka faraha u gelisaa hey’adaha qaxootiga iyo daneystayaal shisheeye.
“Ka qoys ahaan, saddex ayaan la jeclahay. Kow: in caruurta lagu abaabiyo afar maaddo—towxiid sito yaqiin; taakuleynta bulshada; talo-wadaagga ra’yiga iyo go’aanka; iyo u tanaasulka walaalkiis. Labo: in dadaal dheer loo galo deris-wanaag. Saddex: u tanaasulka hooyada guriga.
“Oo maxaan ku doortay saddexdaan qodob? Kow: caruur helay ababin qumman waa qaran helay hoggaamiyeyaal loo aayo; aqoonyahan ka fiyow qabiil iyo qalin wax lagu xado; culimo ka faanta kooxeysi iyo xulufeysi—xaqana u hiillisa; ciidan aan u jaajuusin cadowga Soomaaliyeed; iyo waddiniyiin aan shisheeyaha ka dhiganin sokeeye. Labo: deriska oo la wanaajiyo waa bulsho caafimaad qabto oo askunta, oo isdhexgasha, oo isjeclaata, oo iska warqabta, oo isxurmeysa, oo isku hiillisa, oo isfahanto—ahna dab-wadaag iyo dan-wadaag. Bulshadii wanaagsanaata ayaa noqoto qowmiyad hanata qaran waaro. Saddex: hooyada guriga oo loo tanaasulo, loona dulqaato, waxay niyad-dhis iyo mahad-naq u noqotaa hooyadii; waxay ceymasho u tahay ubadka; waxay aayatiin wanaagsan u tahay bulshada; waxay karaamo u tahay qowmiyadda; waxay tayo u tahay qaranka.
“Ka qof ahaan, saddex ayaan la jeclahay. Kow: ka dignoonaanta nolol aan laheyn himmad sare. Labo: kororsiga cilmiga, kobcinta iimaanka, iyo daryeelka caafimaadka. Saddex: ku dhex-jirka bulshada xag adeeg ahaan—iyo ka dhex-bixidda bulshada xag maalaayacni ahaan.
“Oo qofka maxaa si gooni ah u kallifay? Qowmiyad waliba qarankeeda; qaran waliba bulshadiisa; bulsho waliba qoyskeeda; qoys walibana qofkiisa. Sidaa darteed, qofku waa unugga ugu yar—uguna muhiimsan—ee ay qowmiyadi ka kooban tahay.
“Tan koowaad: himmadda sare waa mid ka fiyow nin-jeclaysi, xorna ka ah goor cayiman iyo gobol xaddidan. Qofku hadduusan yool ka dhigan himmad sare waxaa soo baxda qowmiyad aan laheyn aragti fog iyo qaran isku filan. Qaran isku filnaan waayeyna wuxuu magan u noqdaa quruumo shisheeye xag amni, xag siyaasad, xag dhaqaale, xag caafimaad, xag waxbarasho…iyo wixii la mid ah.
“Tan labaad: waxbarashada, iimaanka, iyo caafimaadkuba waa masuuliyad qof walba ka saaran naftiisa. Waxbarashada waa garaad iyo caqli ku gaarsiiyo kalsooni iyo isku filnaansho. Iimaanku waa daadihiyihii himadda sare iyo dariiqii lagu gaarayay yaqiin aan shaki ku jirin. Caafimaadku waa fududeeyihii gaarista himmadda sare. Maqnaanshaha caqli fiyow, iimaan yaqiin leh, ama caafimaad kaamil ahba waxay hoos u riddaa tayada qowmiyadeed—iyo tii qarankaba. Tan saddexaad: tayada qofka waxaa kor u qaado markuu caadeysto inuu u adeego bulshadiisa isagoon waxba ka hagran. Waxaa kaloo tayada qofka kor u qaado inuusan raalli ku noqonin derbi-istaagga iyo fadhi-ku-dirirka—oo uu arrinkaas ka dhexbaxo.
“Gunaanad: waxaa loo baahi qabaa oo la hadal hayaa nabad, barwaaqo, caddaalad, horumar, sharci iyo kala danbeyn—iyo nolol. Intuba waxay u shirqoolan yihiin hal shardi: beddelka qaabka ay Soomaalidu u fikirto. Tusaale, ereyga ‘looma dhamma’ wuxuu salka ku hayaan fikir ah qaran-dumis iyo kursi-jaceyl. Ereyga ‘madaxweyne’ ee uu nin waliba isku boqray wuxuu salka ku hayaa fikir ah ‘Anaa amiir; wa’anta amiir.’ Wuxuuna ereygaasi sababay qiimo-tirka heybaddii qaranka iyo halkii xafiis ee dalka u sarreeyay. Haddii la eegana waaqaca dunida, lama maqlo waddan madaxda gobollada loogu yeero ‘madaxweyne’ oo macne-beel ku ridaya jagadii madaxweynaha runta ahaa.
“Sidoo kale ereyga ah ‘qaxooti’ wuxuu ka dhashay colaad, abaarro, iyo caddaalad-darro is wada biirsaday—oo taas waa loogu garaabi karaa. Hayeeshee halkii laga hortagi lahaa wixii sababay qaxa iyo bara-kaca, waxay haataan u muuqataa in lagu qancay qaxootinimada. Oo wuxuu ereyga ‘qaxooti’ dadka dhaxalsiiyaa fikir ah in uu qofku isdhiibo oo uu maqsuud ku noqdo magan-gelyada qaxootinimo ee ay fidiyaan qowmiyado kale oo iyaguba sagaal bilood ku dhashay. Xaqiiqdu waxay tahay, Ilaah qowm ma beddelo illaa ay iyagu beddelaan naftooda—waa aayad Quraan ah. Meesha nafta laga beddelana waa fikirka. Fikir fiyow ayaa dhalo qowmiyad fiyow iyo qaran laga heybaysto.”
Fartuun waxa ay miiska dul saartay warqaddii.
“Macallin waa iga intaas qoraalka,” ayay tiri.
Macallinkii inta u soo dhawaaday gabadhii ayuu u muusooday—una hambalyeeyay.
“Yaa su’aal qabo?” ayuu yiri Macallinkii, “ama dhaliil? Ama fikrad?”
Ardaydii way aamuseen—oo ay is eegeen.
~Dhammaad~
Qoraaga kala xiriir cinwaankan: claahijanno@gmail.com; ama Facebook.com/Qalinmaal
============================
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM