Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Wasiirka Maaliyadda Puntland Faarac Cali Shire: Waxay Bulshadu Ku Qanacsantahay Baan Cod Ku Helaynaa!!! [Daawo]

$
0
0

 

Wasiirka Maaliyadda Puntland Mudane Faarax Cali Shire

Boosaaso[RBC Radio] Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland ahna uddoomiyaha Soo Xulitaanka Gollayaasha Deegaanka gobolka Bari ee Ururka Horseed ayaa sheegay in Ururkoodu Cod ku heli karo oo kaliya iyadoo la tixgeliyo danta bulshada Puntland.

Wasiirka Maaliyadda Puntland Faarax Cali Shire oo Hadalkaan ka sheegay kulan Boosaaso Ku yeesheen Xubnaha Ururka Horseed Puntland ayaa sheegay in dadka laga soo deegaanada gobolka Bari loo baahanyahay in lagu soo xulo dhanka Aqoontooda iyo in bulshada ka gadmi karaan balse meesha aan la keenin qof waxa laga hadlaayo Aqoonba u lahayn.

…”"   Danta bulshadu ku qanacsantahay beynu Cod ku heleynaa laakiin qof meel laga soo saaray iyo qof aan waxaanba fahmeyn kuma helayno Cod,tartankana kaga guuleysanmayno marka deegaanka aynu Xuleyno waa in ay leeyihiin Saddex tayo waa iney aqoon leeyihiin waa iney bulshada ka gadmayaan,..”"”ayuu yiri Wasiirku.

________________________

Cismaan Turaabi
RBC Radio
Xafiiska Boosaaso

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles