Boosaaso[RBC Radio] Madaxweyne Kuxigeenka Dawladda Puntland Cabdisamad Cali Shire ayaa ka dhawaajiyey Maanta in Puntland gaarsiin doonaan hab Dimuqraadi ah isla markaana laga gudbi-doono hannaanka Qabiilka ee wax lagu soo dooran Jiray.
Gen. Cabdisamad Cali Shire ayaa sheegay in Shacabka Puntland u ballan qaadeen markii Xilka loo doortay isaga iyo Madaxweyne Cabdirixmaan Shiikh Maxamed Faroole in Hannaanka Dimuqraadiyada la gaarsiinayo ayna usoo bandhigeen hadda Shacabka Puntland taasina aysan ahayn mid qarsoon.
…”"”" Waxaad Ogsoontihiin daahna uusan ku daahsooneyn aniga iyo Madaxweyne Cabdirixmaan markii naloo doortay Hoggaaminta dalakan afar sano iyo barka ka hor,waxaanu ballanqaadnay Ummadana u sheegnay inaanu dalka u hayaamin doono hab Dimuqraadi ah…..”"”"ayuu yiri.
___________________________________
Cismaan Turaabi
RBC Radio
Xafiiska Boosaaso