Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Dowlada Federaalka Soomaaliya oo Maanta Saxiixday Heshiiska “New Deal” Kuna Biirtay Wadamada G7+ (DAAWO SAWIRRO)

$
0
0

Raysul wasaaraha Soomaaliya iyo qaar ka mid ah wasiirada dawlada oo ka qeybgalay saxiixa heshiiska “New Deal” oo ka dhacday Muqdisho.

Muqdisho (RBC) Dowlada Soomaaliya ayaa maanta saxiixday Heshiiska  “New Deal” kaasoo ku saabsan dariiqo cusub oo loo maamulayo deeqaha ay Soomaaliya ka hesho wadamada deeqaha bixiya oo ay hormuudka u yihiin ururka midowga Yurub kulan ay maanta magaalada Muqdisho ku yeesheen masuuliyiinta dowlada Soomaaliya iyo madax ka socotay midowga Yurub iyo wadamada G7 oo ah wadamo kasoo kabtay colaado ragaadiyey dalalkooda ayey dowlada Soomaaliya ku saxiixday heshiiska New Deal.

Munaasabad ballaaran oo maanta lagu qabtay garoonka diyaaradaha Muqdisho oo ay ka soo qeybgaleen golaha wasiirada xubno ka mid ah, raysul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon, danjirayaasha wadamada Midlowga Yurub iyo danjirayaal ka socday wadamada G7+  loo yaqaano ee ah wadamada lala galay heshiiskan oo ah kuwo horey dagaalo sokeeye ay uga soo dheceen ayaa si rasmi ah loogu saxiixay heshiiskan New Deal.

Waa Maxay “New Deal”?

Furitaankii xafladda saaka ayaa waxaa ka hadlay raysul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon oo sharaxaad ka bixiyey heshiiskan loo bixiyey “New Deal” ee ay dawladu saxiixday, isagoo uga mahadceliyey wadamada iyo deeqbixiyaasha taageeraya heshiiskan oo dawlada Soomaaliya ka caawin doona dhinacyada horumarinta, dib u dhiska kaabayaasha iyo adeegyada muhimka ah ee bulshada.

Raysul wasaaraha ayaa sheegay in heshiiskan uu yahay  “wax ka qabashada dhibaatada wadamada nugul kaasoo horey ay u saxiixeen wadamo fara badan oo caalamka ka mid ah oo dagaalo iyo rabdhado ay ka dheceen”.

Raysul wasaare Saacid ayaa sheegay in dawlada Soomaaliya ay ku faraxsan tahay in heshiiskan maanta si rasmi ah looga bilaabo magaalada Muqdisho.

Wasiirka maaliyadda xukuumada Soomaaliya Maxamuud Xasan Saleebaan oo warbaahinta la hadlay markii uu soo dhamaaday kulankaasi ayaa sheegay  in la isku raacay qodobadii heshiika New Deal, wuxuuna tilmaamay in heshiiska ay isku raaceen wadamada G7+ kuwaas oo go’aansaday iney iyagu maamushaan deeqaha la siiyo wadamadooda isla markaane ay u madaxbannaanaadaan sidii ay u kala horumarin lahaayeen waxyaabaha ay u baahan yihiin iney ku qabsadaan lacagahaas.

Wasiirka maaliyada ayaa tibaaxay in wadamada ku bahoobay G7+ oo ah wadamo ay soo daashadeen colaado isla markaana xiligan kasoo kabanaya dagaaladii soo maray ayuu sheegay iney isku raaceen inaan loo maamulin lacagaha deeqaha ah ee loogu deeqo maadaama ay iyagu og yihiin baahidooda gaarka ah iyo sida ay ugu kala muhimsan tahay.

“Heshiiskani wuxuu soo jeedinayaa fal-sameeyaasha caalamiga ah inay qaabeeyaan , maareeyaan, iyo inay sameeyaan hab cusub oo deeqbixin ah, nabad abuurid iyo dawlad abuurid. Tani waxay nuxur u tahay wax ka qabasho caalami ah wadamada nugul ee isqabqabsigu ka jiro.” ayuu yiri wasiirka.

Dawlada Soomaaliya oo ku biirtay g7+

Dhanka kale dowlada Soomaaliya ayaa ku biirtay dalalka G7+ kadib markii haweeneyda gudoomisa G7+ oo ka soo jeeda wadanka East Timor ay magaalada Muqdisho kula kulantay madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

G7+ ayaa hadda ka kooban 18 wadan oo ka mid ah caalamka kuwaasoo ay ka mid yihiin wadamada East Timor iyo Koonfurta Suudaan. Waana koox wadamo ah oo horey ay colaado u soo mareen welina nugul una baahan kaalmooyin caalami ah in la siiyo.

Danjiraha wadamada Midowga Yurub u qaabilsan arimaha Soomaaliya oo isne madasha hadal ka jeediyey ayaa sheegay iney ku faraxsan yihiin dadaalada ay wado dowlada Soomaaliya ee ay uga soo kabaneyso colaadihii dalka soo maray iyo saxiixa heshiiskan New Deal ee dowlada Soomaaliya.

 

 

RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles