Miniyaabulis(RBC Radio) Maxakmada ku taalla dalka Mareykanka ayaa xukun ku riday 2 mawaadin oo asal ahaan kasoo jeeda dalka Soomaaliya kuwaas oo maxkamadu ay ku heshay iney taageero siiyeen ururka alshabaab oo dowlada Mareykanku ay ku dartay Liiska ururada argagixisada ah.
Labada mawaadin ee xukunka lagu riday ayaa kala ah Maxamuud Sicid Cumar, oo 47, iyo Kamal Sacid Hassan, oo 28, ayaa lagu kala xakumay 10 ilaa 20 sano oo xarig ah kadib go’aan ka soo baxay Maxkamada gobolka Minisota ee Mareykana.
Raggan Soomaaliyeed ee xukunka lagu riday ayaa waxaa la sheegay in lagu helay danbiyo kala duwan kuwaas oo ay ka mid ahaayeen iney marin habaabiyeen dhalinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Mareykanka gaar ahaan gobolka Minisota.
In kabadan 20 dhalinyaro Soomaaliyeed ah oo ku noolaa magaalada Miniyaabulis ee dalka Mareykanka ayaa la aaminsan yahay iney xiligan ka barbar dagaalamayaan alshabaabka dagaalka ka wada gudaha Soomaaliya.
Chris Warrener oo ah madaxa saraakisha FBI-da Mareykanka gaar ahaan Magaalada Miniyaabulis ayaa sheegey iney ka feejigan yihiin isku dayada Al-qaacida ay ku dooneyso iney dhibaatada kaga geystaan gudaha Soomaaliya.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho