Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Somaliland oo Sheegtay Inay Mamnuucday Dhammaan Diyaaradaha QM Inay Ku Soo Degaan Deegaanadeeda

$
0
0

Wasiirka Duulista Hawada Maamulka Somaliland, Maxamuud Xaashi Cabdi.

Hargeysa (RBC) Wasiirka duulista hawada ee maamulka Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa si kulul uga hor yimid kulan maalintii shalay magaalada Muqdisho looga dhawaaqay in dawlada federaalka Soomaaliya ay si rasmi ah ula wareegeyso dhammaan maamulka hawada dalka oo ay ku jirto Somaliland.

Arrintaasi ayaa waxaa shalay si rasmi ah looga dhawaaqay kulan magaalada Muqdisho ku dhexmaray wasiirka warfaafinta, boostaha, isgaarsiinta iyo gaadiidka dawlada federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Ciilmooge Xersi iyo masuuliyiin ka socotay hay’ada Qaramada Midoobay UNDP iyo shirkadda CACAS ee fadhigeedu yahay magaalada Nairobi oo hadda maamusha hawada Soomaaliya.

Haddaba waxaa maanta magaalada Hargeysa shir jaraa’id ku qabtay wasiirka duulista hawada ee maamulka Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi oo sheegay in Somaliland aaney ogolaan doonin in hawadeeda laga maamulo Muqdisho.

“Waxaa jiray heshiis u dhexeeyay UNDP, Soomaaliya iyo Somaliland oo ahaa in guddi wadajir ah ay isla eegaan arrimaha maamulka hawada wixii la isku oran jiray Soomaaliya, hadda tii baa lagu xadgudbay, anaguna aqbali meyno.” ayuu yiri wasiirka oo ka hadlayey shirka jaraa’id.

“Ma dhaceyso in hawadayada laga maamulo Muqdisho, dawlada Muqdisho awalna ma maamuli jirin hawadeeda haddana ma maamusho.” ayuu sii raaciyey wasiirka.

wasiirka duulista hawada ee maamulka Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi wuxuu sheegay in laga bilaabo maalinta berito ah ay mamnuuceen dhammaan duulimaadyada Qaramada Midoobay ee imaani jiray deegaanada Somaliland, wuxuuna sheegay inaysan soo degi karin diyaarad ka socota Qaramada Midoobay.

“Laga bilaabo 15-ka bishan wax duulimaad ah oo UN-ku leeyihiin kama soo degi karin garoomadayada.” ayuu yiri wasiirka oo raaciyey inuu u digayo dhammaan shaqaalaha Qaramada Midoobay.

Weli ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Qaramada Midoobay xafiisyadooda ku yaalla magaalada Nairobi iyo kuwa hadda u soo guuray magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale dawlada federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in arrimaha maamulka hawada aaneyu geli karin siyaasad.  Wasiirka warfaafinta Cabdullaahi Ciilmooge ayaa sheegay inuusan wax siyaasad ah ama dhib ah u arkin in dawlada Soomaaliya ay maamulato hawadeeda taasina ay tahay xaq qaran oo dastuuri ah.

 

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles