Muqdisho(RBC Radio) Maamulka gobolka Banaadir ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed iney kala shaqeeyaan hagaajinta nadaafada iyo bilicda magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya afhayeenka maamulka Banaadir Maxamed Yuusuf Cismaan ayaa ka dalbaday bulshada ku dhaqan magaalada Muqdisho iney si weyn uga shaqeeyaan nadaafada xili ay magaalada ka da’ayaan roobabka Gu’ga oo ka bilowday.
Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Maxamed Yuusuf ayaa sheegay in maamulka gobolka Banaadir uu wax badan ka qabtay sare u qaadida nadaafada magaalada,wuxuuna tilmaamay iney dayactir ku sameeyeen qaar ka mid ah goobihii loogu tala galay iney qaadaan biyaha.
afhayeenka gobolka ayaa intaa ku daray iney dib u fureen wadooyin badan oo xirnmay xiliyadii colaadaha isla markaane ay dayactir ku sameeyeen wadooyinka Burbursan qaarkood,wuxuuna walaac ka muujiyey wadooyinka magaalada Muqdisho oo noqday biyo fariisin,wuxuuna tilmaamay iney suurta gal tahay iney ka dhashaan cuduro waxyeeleeya dadka shacabka ah.
Maxamed Yuusuf ayaa daboolka ka qaaday iney lagama maar maan tahay in la iska kaashado sidii kor loogu qaadi lahaa nadaafada magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya,wuxuuna ku booriyey shacabka reer Muqdisho iney maamulka gobolka gacan kasiiyaan soo celinta nadaafada gobolka Banaadir.
Wuxuuna intaa raaciyey in maamulka gobolka Banaadir ay dadaal ugu jiraan sidii ay u hagaajin lahaayeen nadaafada magaalada,wuxuuna tibaaxay in gaadiidka dowlada hoose ay qashin aruurin xoogleh ka wadaan degmooyinka Muqdisho.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho