Baay(RBC Radio) Ciidanka alshabaab ayaa xalay weerar ku qaaday deegaanka Goofgaduud ee gobolka ciidanka alshabaab ayaa weerar gaadmo ah ku qaaday deegaanka Goofgaduud oo xiligan ay gacanta ku hayaan ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo dhawaan kala wareegay ciidamada dalka Eythiopia.
Dagaalka ayaa dhaliyey dhimashada 2 ruux oo rayid ah halka 5 kalane uu kasoo gaaray dhaawacyo dhammaan dadka ay waxyeeladu kasoo gaartay dagaalkaas ayaa ah shacab aan ku lug lahayn dagaalka,gudoomiyaha deegaanka Goofguduud Axmed Aadan Maxamed ayaa xaqiijiyey in alshabaab ay weerar kusoo qaadeen deegaankaas.
Gudoomiyaha deegaanka Goofguduud ayaa sheegay iney jab gaarsiiyeen raggii ka tirsanaa alshabaab ee weerarka kusoo qaaday,wuxuuna tilmaamay iney iska caabbiyeen isla markaane ay dib ugu celiyeen halkii ay kasoo duulaan tageen,alshabaab oo dagaalka iyagu qaaday ayaan ilaa hada ka hadlin dagaalka ay deegaanka Goofgaduud kula galeen ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM.
Deegaanka Goofgaduud ayaa waxaa dhawaan ka baxay ciidamada dalka Ethiopia waxaana la wareegay gacan ku haynteeda ciidamada dowlada Soomaaliya iyo nabad ilaalinta midowga Afrika ee AMISOM,alshabaab ayaa deegaankaas weeraro ku qaaday tiro dhowr jeer ah balse uma aysan suurta galin iney gacanta ku dhigaan deegaanka Goofgaduud.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho