Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Maamulka gobolka Baay oo ka warbixiyey kulamo ay la qaateen saraakiil ka socda Qaramada Midoobe oo Baydhabo gaaray

$
0
0

Baydhabo(RBC Radio) Maamulka gobolka Baay ayaa ka warbixiyey kulamo uu magaalada Baydhabo kula qaatay wafti ka socday Hay’adda UNDP ee Qaramada Midoobo kaasoo shalay gaaray magaalada baydhabo ee xarunta gobolka Baay gudoomiyaha gobolka Baay Cabdi Aadan Hoosow ayaa sheegay in waftiga Qaramada Midoobe ay ka wada hadleen arimo badan oo quseeya xaaladaha gobolka Baay.

Gudoomiye Cabdi Aadan Hoosow ayaa sheegay iney waftiga Qaramada Midoobe ay ka wada hadleen sidii wax looga qaban lahaa arimaha amniga gobolka Baay oo ay ka dhacaan falal amni darro iyo sidii hay’adaha Qaramada Midoobe ay gacan buuxda uga geysan lahaayeen sare u qaadida xaaladaha nololeed ee dadka ku dhaqan gobolka Baay.

Hoosow ayaa tilmaamay iney ka wada hadleen masuuliyiintii ka socotay Qaramada Midoobe ee Baydhabo gaaray sidii wax badan looga qaban lahaa baahida gobolka Baay,wuxuuna sheegay iney isku afgarteen dhammaan waxyaabihii ay ka wada hadleen sida uu tilmaamay.

Cabdi Aadan Hoosow gudoomiyaha gobolka Baay ayaa intaa ku daray in Saraakiisha Qaramada Midoobe ay si gaara iskula soo aadeen sidii Maleyshiyadka faraha badan ee ku sugan gobolkaas loo xarayn lahaa isla markaane loogu heli lahaa tababaro si ay uga qayb noqdaan ciidamada dowlada.

Wuxuuna ku nuuxnuuxsaday ineysan dhici doonin sidii hore u dhici jirtay in Hay’adaha Qaramada Midoobe ay lunsadaan Mashaariicda loogu tala galay gobolka,wuxuuna ka dhawaajiyey iney magacaabeen gudi la socda dhaqan galinta iyo hubinta in sidii loogu talay galay ay u fuleen mashaariicda la doonayo in laga hirgaliyo gobolka Baay.

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles