Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Ururka Alshabaab oo sheegay in dhimashada ciidanka AMISOM ay ka badan tahay 3-Kun oo askari

$
0
0

 

Muqdisho(RBC Radio) Ururka alshabaab ayaa sheegay in dhimashada Ciidamada AMISOM ee lagu dilay gudaha dalka Soomaaliya tan iyo Sanadkii 2007-dii oo ay bilaabeen hawlgalkooda ay ka badan tahay 3-Kun oo askari  sida lagu sheegay war kasoo baxay ku xigeenka xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobe.

Afhayeenka ururka alshabaab ee dhanka hawlgalada ciidamada Sheekh C/casiis Abu Muscab ayaa sheegay iney aaminsan yihiin in dagaaladii kafool kafoolka ahaa ee ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ay AMISOM kaga dhinteen askar ka badan 3-Kun,wuxuuna sidoo kale tilmaamay in dagaalka Jabhadeynta ay ku dileen ciidan badan oo AMISOM ah.

Wuxuuna tilmaamay iney dagaalada xiligan oo alshabaab ay bedelaan qaabka dagaalka ay wali sii socota dhimashada ciidamada AMISOM,wuxuuna meesha ka saaray in askarta AMISOM looga dilay gudaha Soomaaliya ay tahay 3-Kun oo kaliya,wuxuuna hoosta ka xariiqay in AMISOM ay gudaha Soomaaliya ku gaarsiiyeen jab aysan kasoo waaqsan karin sida uu bhadalka u dhigay,wuxuuna sheegay iney faa’iido u tahay alshabaab iney qirtaan jabka gaaray sida uu tilmaamay.

Abu Muscab ayaa intaa ku daray in ujeedka ay Qaramada Midoobe usoo bandhigtay tirada askarta AMISOM looga dilay Soomaaliya iney salka ku hayso iney xamili weysay culeyska Ciidanka AMISOM oo ay iyadu bixiso Khasarashaadka ku baxa isla markaane ay u suurta gali weysay danihii ay ka lahaayeen iney ku fushadaan AMISOM sida uu hadalka u dhigay.

 

 

 

 

 

 

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles