Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

SAWIRRO: Kulan Looga Hadlayay Sharciga Saxaafadda Puntland oo Garowe Lagu Gabagabeeyay

$
0
0

Garowe (RBC) Kulan Labo maalmood uga soconayay magaalada Garowe suxufiyiinta, Ururada bulshada  iyo warbaahinta madaxa banaan ee ka howlgasha Puntland ayaa looga doodayay sharciga saxaafadda, kaasoo looga gol lahaa in suxufiyiinta iyo warbaahinta madaxa bannaan lagala tashto sharcigii lagu xukumi lahaa.

Kulankan oo ay ka Qaybgaleen 40 Saxafi, waxaa goob joog ka ahaa masuuliyiin ka socotay wasaarada warfaafinta Puntland, Xubno ka socday Barlamaanka Puntland, Dalada Ururada Aan Dowliga ahayn ee PUNSAA, Masuuliyiinta Ururka Saxaafada Puntland ee MAP, Suxufiyiin ka kala Yimid Magaalooyinka Bosaso, Garowe, Qardho, , Baran iyo Galkacayo.e.

Furitaankii kulanka ayaa waxaa ka hadlay wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir, ayaa sheegay in Wasaaradu ay ay Samaynta Sharciga Saxaafadda Puntland ay Muddo badan soo waday, Haddan Warbaahinta iyo Suxufiyiinta ka howlgala Puntland la horkeenay si fikradooda iyo Araaradooda ugu daraan

“Muhiimadu waxa weeye Xeer baynu maanta u fadhinaa, waxaa loo baahan yahay in maskaxdeena shiilno inagoo muwaadiniin ah, oo isku mid ah,  Annagu haddanu nahay Wasaarada ilaayo dhamaadkii sanadkii hore Qabyo qoraalkan xeerka warbaahinta waanu soo wadnay, Xeer ka horeeyay oo  aan tixraacnay oo aan waxbadan ku kordhinay oo in dhammaanteed si  inoo fiican.” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta

C/fitaax Sugule oo Guddoomiye K/xigeenka Dalada Ururada aan Dowliga ahayn ee PUNSAA, oo ka hadlay Kulanka ayaa sheegay in PUNSAA ay ku faraxsan tahay inay Kulankan ay  Fududayso, Waxaan uu yiri isagoo ka hadlay Ujeedada laga leeyahay kulanka “ Sharciga Warbaabihinta waa muhiim, Haddii ayan warbaahintu sharci iyo wax kala haga lahayn, ayada iyo dadka ka shaqeeya iyo Dowladda waxaa dhacaysa isku dhac badan iyo isku jahwareer” ayuu yiri

Xoghayaha Guud ee Ururka Saxafiyiinta Puntland, Islamarkaana ah Guddoomiyaha Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee Nusoj Burhaan Axmed Daahir oo isna kulanka ka hadlaya ayaa sheegay in Warbaahinta Puntland ay  haystaan Fursad Qaali ah oo Fikradahooda iyo Arag

“ Maanta dood ayaa socoto, sidaa daaraadeed, Qorayaashii xeerkan innaga weeye, Ma aha in cid kale ay qorayso, Maxkamadi ma qorayso, Dowladi ma qorayso, Inagaa qoraynaa waxaa loo baahan yahay in Xeerka ugu fiican Adduunka inayno samayno ayaa loo baahan yahay”

“Waxaa ka soo baxay  ee Xeerkan saxaafadda uu sii socda wadahadalkiisu, loona xilsaaro khabiir dhinaca Saxaafadda oo la yiraahdo Siciid Faarax Maxamuud , kana qaybgalaan dhammaan daneeyaasha, uuna noqda Xeer waafaqsan Xeerarka Caalamiga ah ee xuquuqul Insaanka iyo Saxaafadda. Dabadeedna Nuqulka u dambeeya ay wada saxiixaan Ururka Suxufiyiinta Puntland iyo Wasaarada Warfaafinta, ka dibna loo gudbiyo Gollaha xukuumada iyo Barlamaanka” ayuu yiri.

The meeting was organized by the Puntland Non-State Actor’s Association (PUNSAA) with the collaboration of Media Association of Puntland The meeting was organized by the Puntland Non-State Actor’s Association (PUNSAA) with the collaboration of Media Association of Puntland 40 members from media stakeholders including the Puntland civil society organizations Puntland regions and ministry of information participated the meeting A two day Consultation Meeting on Media Law Reform concluded in Garowe. 12 May, 2013 Abdifatah Sugule, vice chairman of PUNSAAC Burhan Ahmed Dahir, The Secretary General of the Media Association in Puntland (MAP) who is also the president of National Union of Somali Journalists (NUSOJ) DSC_1034 More than 40 members from media stakeholders including the Puntland civil society organizations Puntland regions and ministry of information in concluded a two-day media law reform consultation meeting in Garowe, on Sunday Puntland Minister of Information, Mohamoud Aideed Dirir The consultative conference was officially opened the Puntland Minister of Information, Mohamoud Aideed Dirir The meeting was organized by the Puntland Non-State Actor’s Association (PUNSAA) with the collaboration of Media Association of Puntland (MAP) and the ministry on formation. The meeting was organized by the Puntland Non-State Actor’s Association (PUNSAA) with the collaboration of Media Association of Puntland (MAP) and the ministry on formation. The meeting purposely focused on reviewing a dra The meeting was organized by the Puntland Non-State Actor’s Association (PUNSAA) with the collaboration of Media Association of Puntland The participants also condemned the unethical use of the name of Puntland Journalists notably the recent report  Entitled “Puntland media blackout for London Conference.”

Sidoo kale, gebagebadii kulanka, suxufiyiintii ka qaybgalay Kulanka waxa ay cambaareeyeen shakhsiyaad doonaya in magaca suxufiyiinta Puntland kharibaan, isla markaana u ekeysiiyaan saxafiyiinta Puntland iyo Warbaahintooda dad fowdo,  iyadoo dhowaan qoraal lagu cambaareynayo dowladda Ingiriiska lagu soo daabacay bogag ay leeyihiin bahda saxaafadda Puntland, arrintaas oo suxufiyiinta iyo warbaahinta Puntland ee kulanka fadhiday ee banaanka iska mariyeen, isla markaana ay cadeeyeen in aanu wax shaqo ah ku lahayn, isla markaana qoraalkaa aanu metelin masiirka suxufiyiinta iyo warbaahinta Puntland.

“ Waxaan ka Raaligalinaynaa Dowladda Ingiriiska iyo Shirkada Albany Qoraalkaa Cambaaraynta ah, Waxaanuna Cadaynaynaa in aanay haba yaraatee Qoraaladaa Meel ka dhaca aanu matelin Suxufiyiinta iyo Warbaahinta Puntland” Burhaan Axmed Daahir oo ah Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Puntland, ahna guddoomiyaha ururka Qaranka Suxufiyiinta Soomaaliyeed.

 

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles