Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20457

Xukuumadda Somaliland oo Faysal Cali Waraabe eedo kugul ugu jeedisay kulankii uu la yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya

$
0
0

Hargeysa(RBC):- Masuuliyiinta kala duwan ee Xukuumadda Somaliland, ayaa siyaabo kala geddisan eedaymo ugu jeediyey Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ka dib markii uu laba habeen ka hor kulan salaam ah la qaatay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wasiirka arimaha dibedda ahna Raysal-wasaaraha Xukuumadda federaalka ah Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan.

Faysal Cali Waraabe oo ku sugan magaalada London ee waddanka Ingiriiska, oo Warbaahinta kala duwan ee Af-Soomaaliga ku hadashaa wax ka weydiisay ujeeddada kulanka uu la yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wasiirka arrimaha dibedda iyo waxyaabaha ay ka wadahadleen, ayaa sheegay inaanu jirin ujeeddo uu kulankaasi lahaa, isla markaana wax ay madaxda Soomaaliya ka wadahadleen jirin. Hase-ahaatee, keliya kulankaasi ahaa mid salaan ah.

“Annagu UCID ahaan Xaflad baannu ku lahayn London, Madaxweynaha Soomaaliya iyo Weftigiisuna Xaflad ay Jaaliyadda Soomaaliyeed u samaysay bay ku lahaayeen, labada meelood ee Xafladuhu ka dhacayeenna way isu dhawaayeen, sidaa daraaddeed, Aniga ayaa u tagay Madaxweynaha salaan baanan ugu tagay, wax ujeeddo ah oo salaan ka badan oo aan ugu tagay iyo wax aannu si gaara uga wadahadlnay midna ma jirin.” Sidaa ayuu yiri Guddoomiyaha UCID Faysal Cali Waraabe.

Waxaanu Faysal oo ka doodaya salaanta uu bilaa ujeeddada ku tilmaamay ee uu ugu tagay Madaxweynaha Soomaaliya iyo masuuliyiinta la socday, uu yiri; “Salaantuna waa waajib oo Madaxweynaha Somaliland Axmed-Siilaanyo markii uu Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud markii ay Jabuuti ku kulmeen shirkii afartan-guurada far-Soomaalida way isa-salaameen, tanina waxba kama duwana.”

Hase-yeeshee, Wasiirrada Wasaaradaha Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta iyo Madaxtooyada Somaliland Abiib Diiriye Nuur (Timo-cad) iyo Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa sheegay inuu Faysal Cali Waraabe ku gefay shuruucda Somaliland, isla markaana ay qalad tahay inuu la kulmo Madaxda Soomaaliya, isaga oo aanay Xukuumaddu war ka haynin.

“Anigu arinkaasi waan ka soo horjeedaa, mowqifka Somaliland-na waxa weeyaan inaan Somaliya qofna gaarkiisa ula kulmi Karin oo aanay dawladda oo fasax loo siiyay inay la kulanto, kalana kulmi karto wadahadalada oo kaliya. Markaa waxaanu leenahay cid kasta oo gaarkeeda iyo danaheeda ula kulanta waanu ka soo horjeednaa oo waanu dhaleecaynaa.” Sidaa waxa yiri Wasiirka madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan oo maanta hadal ka jeediyey Xaflad lagu dhagax-dhigayey waddo shan Kiiloo-mitir ah oo laga bilaabayo qayb ka mid ah jidka isku xira Hargeysa iyo Degmada Sallaxley ee gobolka Maroodi-jeex.

Sidoo kale, Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Abiib-timo-cad, ayaa Guddoomiyaha Xisbiga UCID ku eedeeyey inuu weligiiba xidhiidh dhaw la lahaa madaxda Soomaaliya, isla markaana xidhiidh wayni ka dhaxayn jiray Maxaakiimtii Soomaaliya ka jiri jirtay ee Itoobiyaanku la dagaallamay.

“Faysal ninkii ugu fogaa ayuu ahaa dawladda Soomaaliya ayaannu odhan jirnee isagu waxa uu odhan jiray Walla-wayn, waxa maanta isbeddalay iyo halka Faysal tagay iyo sida uu yahay jawaabteeda dadka ayaa ka jawaabi doona, baroortu orgiga ka weyn.” Sidaa ayuu yirhi Wariis Abiib-timo-cad.

Waxaanu isagoo hadalkiisa sii wata uu intaa ku daray oo uu yiri; “Anigu waxaan aaminsan nahay in Faysal xagaa (Soomaaliya) uu u socdo. Dadkuna way ogaadeen, dadka isagaa qaranimada dalka leh anagu (xukuumada) adeegayaal ayaanu u nahay in shacabku ka hadlo oo uu soo jeedo oo shacabku ka u xiiraya iyo ka hool-hoolaya kala ogaado waa lagama maarmaan.”

Geesta kale, Xoghayaha Xisbiga talada Somaliland haya ee KULMIYE Xasan Siciid Yuusuf, ayaa xalay cambaarayn u jeediyey kulanka dhex-maray Faysal Cali Waraabe iyo Madaxweynaha dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehelisay Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan oo iyadu dhalasho ahaan ka soo jeedda Somaliland, gaar ahaan degmada Hargeysa ee gobolka Maroodi-jeex.

Maaha markii ugu horreysay ee Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee Somaliland Eng. Faysal  Cali Waraabe uu kulan la yeesho Madaxweyne Soomaailyeed, hase-ahaatee, sannadkii 2012, ayuu Faysal magaalada Dubia ee dalka Isu-tagga imaaraadka Carabta kulan kula yeeshay Madaxweynihii hore ee dawladdii Ku-meel-gaadhka ahayd ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

RBC Radio

Xafiiska wararka ee Hargeysa.

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20457

Trending Articles