Garoowe (RBC RADIO) Bandhig Carweed laga soo shaqeeyey ayaa maanta lagu qabtay xarunta Gobolkka ee Magaalada Garoowe waxaana lagu soo bandhigay agabyada ay sameeyeen Xirfadleyda Reer Puntland sida ay sawiradu idiin muujinayaan, Soo diyaarinta Barnaamijkan waxaa iska kaashaday Wasaarada Shaqada Shaqaalaha Dhalinyarada iyo Cayaaraha Puntland iyo Hay’ada Care International.
Agaasimaha Waaxda Shaqada iyo Shaqaalaha Barni Ciise oo kulanka ka hadashay waxay sheegtay in Bandhigan uu socon doono mudo 2maalmood ah laguna gadi doono qaybaha kala duwan oo Xirfadleyda reer Puntland ay gacantooda ku sameeyeenkana kooban, Dhar, Kabo,Raashin Bisil, agabyada Guryaha lagu quruxsado, iyo noocyada kala duwan ee hidaha iyo dhaqanka iyadoo bulshada ku boorisay in ay gataan alaabta ayna isku darsadaan sicir jaban iyo shey tayo leh lagana faa’iideysto Fursadan.
Wasiir ku xigeenka Wasaarada Shaqada iyo Shaqaalaha Puntland Siciid Daahir Qodax ayaa dhankiisa sheegay in Barnaamijkan la doonayo in lagu dhiiri geliyo Dadka Xirfadlayaasha ah ee Puntland ku nool bulshadana la tuso in dalkooda ay wax ku samaysan karaan iibinna karaan hadii ay helaan bulsho wadaniyiin ah oo jecel wax soo saarka Dalkooda si ay isaga bareejeeyaan Bulshaweynta kale ee Caalamka ku nool.
Mr Qodax wuxuu Booriyay Dadka Xifadleyda ah ee ku dhiiradey in ay dadka soo hor istaagaan kana iibiyaan Fikirkooda iyo wax qabadkooda si loo muujiyo in uu jiro Koox is heysata oo u taagan taageerida tayeynta iyo muujinta Wax soo saarka Dalka meeshana laga saaro xiisaha alaabaha laga keeno qurbaha, isagoo raaciyay hadalkiisa in Wasaaradu taagero la garab taagantahay Dadkaasi si loola garab is taago Geesinimada ay muujiyeen, wuxuuna wasiirku ka mid ahaa Dadkii ugu horeeyey ee wax ka iibsaday Bandhig Carweedkaasi.
Dhamaadkii Qudbadaha iyo dhiirigelinta kadib waxaa madaxda iyo Dadkii kasoo qayb galay Xafladaasi loo keenay raashin ay ka mid tahay Digaag oo ay gacantooda kusoo sameeyeen Hablo Soomaaliyeed oo la baray Xirfada Raashin karinta Taasoo ka wacan Digaaga Dibada laga keeno sida Madaxdii dhadhamisay raashinkaasi ay ku marqaati keceen.
Waxaa kaloo xusid mudan in Gobolada Puntland leysaga kala yimid oo Xirfadlayaashu ay magaalooyinka waawayn ee Puntland ay kasoo baqooleen si ay Munaasabadan ay uga qayb qaataan dhamaantoodna waxay Mahad gaar ah u celiyeen Hay’ada Care iyo Wasaarada Shaqada iyo shaqaalaha,Waxaana Bandhig Carweedkan oo Beri Soo gabagaboobaya uu noqonayaa kii 2baad oo Puntland lagu qabto.
Ibrahim Wadani
RBC RADIO
Xafiiska Wararka Garoowe.