Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Taliska Ciidanka xoogga dalka oo wacad ku maray iney si deg deg ah uga jawaabayaan cabashada shacabka ee ku aaddan Isbaarooyinka

$
0
0

Muqdisho(RBC Radio) Taliska ciidanka xoogga dalka ayaa shaaca ka qaaday iney si deg deg ah wax uga qabanayaan cabshada kasoo yeeraysa dadka shacabka oo si weyn uga cabanaya dhibaatada ay ku hayaan kooxaha isbaarada dhigta wadada Isku xirta Muqdisho iyo gobolada Shabeelaha hoose iyo Shabeelaha dhexe.

Abaanduulaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya Gen.C/risaaq Khaliif Cilmi oo warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa ayaa sheegay iney si deg deg ah uga jawaabi doonaan cabashada dadka rayidka ah,wuxuuna wacad ku maray iney cagta marin doonaan Jidgooyooyinka sida xaq-darrada ah loogu dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeed.

Gen. C/risaaq Khaliif Abaanduulaha ciidanka xoogga dalka ayaa shaaca ka qaaday iney magacaabeen gudi saraakiil ah oo u dhabba gala,kooxaha Isbaarooyinka dhigta cidda ay ka tirsan yihiin,goobaha ay Isbaarooyinku u yaallaan iyo dadka soo aabula Isbaarooyinka,wuxuuna daboolka ka qaaday iney tallaabo adag ka qaadi doonaan kooxaha caadeystay dhigashada Isbaarooyinka marka ay gudigane usoo gudbiyaan warbixinta ay ka sugayaan.

Abaanduulaha ayaa sheegay iney diyaariyaan ciidamo gaara oo la dagaalama Isbaarooyinka sharci darrada ah ee lacagaha baadda ah looga qaado gaadiidka adeegsada wadooyinka isku xira magaalada Muqdisho iyo gobolada Shabeelaha hoose iyo Shabeelaha dhexe.

Wuxuuna ballan qaaday kuna cel celiyey in muddo kooban gudaheed in dalka laga waayi doono cid ku dhiirata iney dhigato Jidgooyo lagu dhibaateeyo dadka shacabka ah,wuxuuna uga digay kooxaha Isbaarooyinka dhigta iney sii wadaan falka ay xiligan gacmaha kula jiraan,wuxuuna carrabka ku adkeeyey abaanduulaha ciidanka xoogga iney dagaal adag la gali doonaan kooxaha caadeystay dhibaateynta shacabka.

 

 

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles