Muqdisho(RBC Radio) Kulan looga hadlayo sidii maamulka hawada Soomaaliya loogu wareejin lahaa dowlada Soomaaliya ayaa xiligan ka socda garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kulanka ayaa dhexmaraya wasiirka warfaafinta,Boostada,Isgaarsiinta iyo Gaadiidka xukuumada Soomaaliya C/llaahi Ciil-mooge Xirsi iyo saraakiil ka socda dowladda Kenya oo xiligan maamusha hawada Soomaaliya iyo la taliyaal ka socda Qaramada Midoobe.
Kulanka oo ka socda garoonka Aaddan Cadde ee Muqdisho ayaa saxaafadu ay dibad joog ka tahay,wasiirka warfaafinta Soomaaliya C/llaahi Ciil-mooge oo la hadlay Raadiyaha dowlada ayaa sheegay iney ka go’an tahay dowlada Soomaaliya sidii ay dib ugula wareegi lahayd maamulka hawada Soomaaliya.
Wasiirka ayaa intaa ku daray in dalka ay ka jirto dowlad federaal ah oo aan kumeelgaar ahayn taasoo awood u leh hanashada maamulka hawada Soomaaliya saidaas darteedne ay u xusul duubayaan sidii ay kula wareegi lahaayeen maamulka hawada dalka Soomaaliya oo ay gacanta ku haysay Kenya 22-kii sano ee dalku dowlad la’aanta ahaa.
C/llaahi Ciil-mooge Xirsi ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey iney gacantooda soo gasho maamulka hawada dalkeena Soomaaliya,wuxuuna intaa raaciyey inuu waqtiyadii danbe dadaal ugu jiray sidii ay ugu guuleysan lahaayeen,isagoona tilmaamay in dalka Turkiga uu Soomaaliya ka taageerayo adeegyada Muhimka u ah maamulka hawada.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho