Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Siyaasiyiintii iyo Waxgaradkii shalay loo diiday iney ka dagaan garoonka diyaaradaha Kismaayo oo Muqdisho ku shiray,eedne u jeediyey Kenya

$
0
0

 

Muqdisho(RBC Radio) Kulan ballaaran oo ay maanta  magaalada Muqdisho ee caasimada ay  ku yeesheen xildhibaano iyo waxgarad kasoo jeeda gobolada Jubooyinka oo shalay loo diiday iney ka dagaan garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo ayaa ka  cawday go’aankii ay saraakiisha ciidamada Kenya ay ku diideen in diyaarada siday waxgaradkan iyo siyaasiyiinta kasoo jeeda goboladaas ay caga dhigato garoonka diyaaradaha Kismaayo.

Axmed Amiin C/laahi oo ka mid ahaa dadkii shalay laga soo celiyey hawada magaalada Kismaayo kadib markii la diiday in dyaaradii siday ay caga dhigato garoonka Kismaayo oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in dowlada Kenya ay is lahaysiisay magaalada Kismaayo ee xarunta Jubada hoose.

Axmed Amiin ayaa sheegay in ficilkani uu yahay mid khatar ah oo dhibaato ka abuuri kara goboladaas,wuxuuna ka digay in hadii ay sii socdaan ficilada nuucan ah iney sababi doonto taageero ay hesho kooxda alshabaab ee dagaalka kula jirta dowlada Soomaaliya sida uu hadalka u dhigay.

Suldaan C/qaadir Luga-dheere oo isne madasha ka hadlay ayaa sheegay in arintaasi ay tahay mid aan laga fileyn dowlada Kenya iney is hortaagto dad kusii jeeday deegaankooda,wuxuuna ka dalbaday dowlada Federaalka Soomaaliya iney jawaab dhaqso ah ka bixiso dhacdadaas.

“waa nasiib darro in lasoo celiyo dad waxgarad iyo siyaasiyiin ah oo doonayey iney soo booqdaan deegaanadii ay kasoo jeedeen,mana aha arin la aqbali karo waan ku taageerayaa,derisne waan nahay waana ku qabsanaa”sidaasi waxaa yiri Suldaan C/qaadir Luga-dheere oo ka tirsan Siyaasiyiinta kasoo jeeda gobolada Jubooyinka.

Masuuliyiinta iyo waxgaradka ka qaybgalay kulanka ayaa si kulul u dhaliilay dowlada Kenya oo ay sheegeen iney hareer martay shaqadii loo igmaday oo ahayd iney ka qaybqaadato hawlgalka AMISOM ee lagula dagaalamayo alshabaab,waxayna tilmaameen in Kenya ay faraha la gashay arimaha maamulka goboladaas sida ay tilmaameen waxayna hoosta ka xariiqeen in Kenya ay wadato damac qarsoon oo ka duwan midka AMISOM..

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles