Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Xisbi siyaasadeed Cusub oo maanta Muqdisho looga dhawaaqay

$
0
0

 

Muqdisho(RBC Radio) Munaasabad lagu qabtay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa waxaa maanta looga dhawaaqay xisbi cusub oo kusoo biiray xisbiyada Siyaasadeed ee hore uga jiray dalka Soomaaliya,munaasabada oo ay ka qaybgaleen xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya,siyaasiyiin,waxgarad,aqoonyahano iyo culima udiin ayaa waxaa looga dhawaaqay Xisbiga “Talo” oo ah xisbi Siyaasadeed kusii biiray saaxada siyaasada Soomaaliya.

Aas-aasayaasha xisbigan ayaa ku micneeyey ujeedka ka danbeeya Xisbigan inuu yahay mid la doonayo in xisbigu uu  ka qayb qaato horumarka dalka ka bilowday waxayna tilmaameen iney dalka kusoo kordhin doonaan  aragti Siyaasadeed oo cusub taasoo xaaladaha  dalka wax badan ka bedeli doonta sida ay sheegeen.

Xisbiga siyaasiga ah ee Talo ee maanta Muqdisho looga dhawaaqay ayaa waxaa la shaaciyey inuu gudoomiye u yahay Maxamed Cumar Xaashi oo ka tirsanaa baarlamaankii kumeeelgaarka ahaa ee Soomaaliya,wuxuuna goobta ka sheegay inuu xilka loo dhiibay si hagaagsan u gudan doono isla markaane uu ka miro dhalin doono ahdaafta iyo ujeedooyinka uu ka turjumayo Xisbiga Talo ee uu gudoomiyaha u yahay.

Gudoomiye Maxamed Cumar ayaa intaa ku daray in aas-aaska xisbigan ay ka danbeeyeen siyaasiyiin Soomaaliyeed oo uu sheegay iney ka dam-qadeen dhibaatada ka jirta dalka Soomaaliya,kuwaas oo goostay iney curiyaan aratgi siyaasadeed oo dalka lagu samata bixiyo sida uu tilmaamay.

Wuxuuna hoosta ka xariiqay in Xisbiga Talo uu dowlada Federaalka ku garab istaagi doono wax walba oo wanaag ah isla markaane ay ifin doonaan kana tala bixin doon wax kasta oo dhibaato ku ah dalka sida uu sheegay,wuxuuna daboolka ka qaaday in ahdaafta Xisbiga ay ka mid yihiin,ku dhaqanka shareecada iyo dastuurka,dhowrista xuquuqda aadanah,hagaajinta siyaasada dalka iyo maamul wanaagga.

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles