Muqdisho(RBC Radio) Qunsulka guud ee magaalada Cadan Cabdi Xasab Axmed Suudaani ayaa kulan la qaata gudiga xerada qaxootiga Soomaalida dalka Yeman ee Al-kharaj waxayna ka wada hadleen xaaladaha ay ku sugan yihiin qaxootiga Soomaaliyeed iyo sida ugu haboon ee qaxootigaasi dalkooda loogu soo celin lahaa.
Qunsulka Soomaaliya ee magaalada Cadan ee dalka Yeman ayaa sheegay in kulanka ay la qaateen gudiga xerada Al-kharaj oo ay ku jiraan kumanaan ruux oo qaxooti Soomaaliyeed ah ay uga warbixiyeen xaaladaha iyo isbedelada dhanka horumarka ah ee ka dhacay dalka Soomaaliya.
Wuxuuna intaa ku daray in dowlada federaalka Soomaaliya ay wado qoryashaal ay ku dooneyso iney dalkooda dib ugu celiyaan qaxootiga fara badan ee ku jira xerada qaxootiga Al-kharaj ee dalka Yeman,dadkaas oo kasoo cararay dagaalada Soomaaliya.