Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

R/wasaare Saacid oo dalka Turkiga uga tacsiyeeyey Qarixii ka dhacay Reyhanli ee dadka badani ay ku dhinteen

$
0
0

 

Muqdisho9RBC Radio) Dowlada Soomaaliya ayaa dhiggeeda Turkiga uga tacsiyeysay qaraxyadii baabuurta loo adeegsaday ee lagu qaaday magaalada Reyhanli ee dalka Turkiga halkaas oo ay ku nafwaayeen 43 ruux oo rayid ah halka ay ku dhaawacmeen dad kor u dhaafaya 100 ruux oo kale,weerarkaas oo dowlada Ankara ay ku eedeysay dalka deriska la ah ee dagaaladu au halakeeyeen ee Siiriya.

War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska R/wasaare Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid ayaa wuxuu tacsi ugu diray ehelada dadkii ku dhintay weerarkaas isagoona kuwa ku dhaawacmay Alle uga baryey inuu siiyo caafimaad deg deg ah.

War-saxaafadeedka R/wasaaraha ayaa waxaa lagu yiri “Soomaaliya waxaa ka dhaca falal argagixiso oo lamid ah kan Turkiga ka dhacay,dalkeennune wuxuu nasiib u yeeshay inuu helo taageerada dowladda Turkiga iyo shacabkeeda,waxaan jeclaan lahaa inaan tacsi tiiraanyo leh u diro ehelada dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay weerarkaas”.

R/wasaare Shiirdoon ayaa ku tilmaamay weerarka ka dhacay magaalada Reyhanli ee dalka Turkiga fal aad u xun,isagoona rajo wanaagsan ka muujiyey in la aqoonsan doono danbiilayaashii masuulka ka ahaa isla markaane sharciga la horkeeni doono.

R/wasaare Cabdi Faarax Shiirdoon ayaa ugu danbeyntii midnimo ugu yeeray dowladda iyo shacabka Turkiga wuxuuna beesha caalamka ka dalbaday in lo midoobo la dagaalanka waxa uu ku tilmaamay ficilada argagixiso ee lagu dhibaateeyo dadka rayidka ah.

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles