Afooye(RBC Radio) Gudoomiye ku xigeenka degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha hoose Mahdi Xasan ayaa ku eedeeyey Isbaarooyinka faraha badan ee yaalla inta u dhaxaysa degmada Afgooye iyo magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya iney masuul ka yihiin saraakiisha xukuma ciidamada ku sugan wadadaas.
Mahdi Xasan ayaa sheegay in saraakiisha xukuma ciidanka Isbaarooyinka dadka lagu dhibaateeyo dhigta wadadaas ay ka gaabiyeen gudashada waajibaadkii loo igmaday iyo xilkii ay ummadda u hayeen,wuxuuna carrabka ku adkeeyey in sarkaalkii ka qaban waaya askariga uu xukumo dhibaatada uu shacabka ku hayo inuu qaadanayo masuukiyada dhibaatada ka dhalata halkaas.
Wuxuuna ku celceliyey in hadii aysan saraakiishu raali ka ahayn in Jidgooyo la dhigto wadadaas ineysan askartu ku dhiiradeen iney ku dhaqaaqaan falalkaas foosha xun ee lagu dhibaateynayo shacabka Soomaaliyeed ee ku safra wadadaas.
Gudoomiye ku xigeenka degmada Afgooye Mahdi Xasan ayaa sheegay iney marar badan dowlada u direen qaylo dhaan ku aaddan wax ka qabashada dhibaatada Jidgooyooyinka ay ciidanku dhigteen wadada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye,wuxuuna intaa ku daray iney ogyihiin dhibaatada ka jirta wadadaas madaxda dowlada oo uu ugu horeeyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
“Annagu waxba kama qaban karno dhibaatada lagu hayo dadkeena balse Ilaah ayaan u baryeynaa inuu ka dulqaado dhibaatada aan xadiga lahayn ee lagu hayo shacabka masaakiinta ah ” ayuu yiri gudoomiye ku xigeenka degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha hoose Mahdi Xasan.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho