Muqdisho(RBC Radio) Ururka alshabaab ayaa daboolka ka qaaday in xirida wadootinka qaar ee magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ineysan saamayn ku yeelan doonin weerarada ay ka wadaan magaalada Muqdisho afhayeenka guud ee alshabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage Sheekh Cali-dheere ayaa sheegay in alshabaab meel walba oo ay rabaan iney weerar ka geystaan ineysan jirin cid ka ilaalin karta.
Cali-dheere ayaa shaaca ka qaaday in xirida wadooyinka magaalada Muqdisho aysan waxba u dhimi doonin weerarada ay ka geystaan gudaha Muqdisho,wuxuuna hoosta ka xariiqay in alshabaab ay si fudud Muqdisho uga fulin doonaan wixii ay doonaan sida uu sheegtay.
Afhayeenka alshabaab ayaa ku faanay inuu beenoobay sheegashadii dowlada ee ahayd iney gacanta ku hayso amniga magaalada Muqdisho,wuxuuna tibaaxay in alshabaab ay sii wadi doonaan dagaalka ay kula dagaalamayaan waxa uu ku tilmaamay cadowga ummadda kusoo duulay.
Sheekh Cali-dheere ayaa meesha ka saaray in ujeedka xirida wadooyinku uu yahay arin looga hortagayo weerarada alshabaab balse waxa uu ku tilmaamay mu’aamarad la doonayo in ummadda gumeysi casri ah lagu galiyo”waxaa la doonayaa in shacabka gaajo la galiyo si ay gacmaha ugu hoorsadaan cadowgooda kadibne si fudud loo gumeysto” ayuu yiri afhayeenka alshabaab oo intaa raaciyey in shacabka looga baahan yahay iney garab istaagaan alshabaab kuna taageeraan dagaalada ay dalka ka wadaan sida uu tilmaamay.
Cali Maxamuud Raage afhayeenka alshabaab ay ku tilmaamay weerarkii qarax ee alshabaab ay ka fuliyeen wadada KM-4 inuu ahaa mid ay jab xoogan ku gaarsiiyeen dowlada Soomaaliya,qaraxaas ayaa waxaa ku baaba’ay dad badan oo rayid ah kuwaas oo aan waxba galabsan.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho