Baay(RBC Radio) Saraakiisha hogaaminaya ciidamada dowlada Soomaaliya ee dagaalada ka wada gobolka Baay ayaa shaaca ka qaaday iney duullaan ku yihiin degmada Diinsoor ee gobolka Baay oo ah degmada Kaliya ee ka tirsan gobolka Baay ee xiligan ku hartay gacan ku haynta alshabaab.
Xasan Isxaaq oo loo yaqaano Xasan Baydhabo kana mid ah saraakiisha hogaaminaya dagaalada ay ciidamada dowlada Soomaaliya kula jiraan alshabaab ee ka soconaya gobolka Baay ayaa sheegay inuu dhammaaday qorshihii ay ku qabsan lahaayeen degmada Diinsoor ee gobolka Baay oo ay ka arimiyaan alshabaab.
Xasan Isxaaq ayaa ku nuuxnuuxsaday iney muddooyinkii lasoo dhaafay ay ku jireen diyaar garowga dagaalka ay ku doonayaan iney kula wareegaan degmada Diinsoor, wuxuuna hoosta ka xariiqay in alshabaab aysan xiligan lahayn awood ay iskaga difaacaan weerarada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya iyo ciidamada kaalinaya.
Sarkaalkan ka tirsan saraakiisha dowlada Soomaaliya ee gobolka Baay ayaa sheegay iney waqtiyada dhow ku wajahan yihiin degmada Diinsoor iyo deegaanka Raama-caddeey ee gobolkaas oo alshabaab ay ku leeyihiin fariisimo ciidan oo muhim ah.
Hadalka sarkaalkan ayaa imaanaya kadib markii ay dhawaan ciidamada dowlada Soomaaliya oo gacan ka helaya ay la wareegeen gacan ku haynta deegaanka Awdiinle oo qiyaastii 30-KM dhanka koonfur-galbeed kaga beegan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho