Kismaayo(RBC Radio) Salaadiinta lagu wareejiyey shirka maamul u samaynta Juballand ayaa meesha ka saaray hadalo la isla dhexmaraya oo sheegaya in shirka Kismaayo uu joogsaday C/casiis Daahir Bayle oo kamid ah salaadiinta lagu wareejiyey maamul u samyanta Jubbaland ayaa sheegay in shirka ka furmaya magaalada KIsmaayo uu socon doono isla markaane aysan jirin wax hakad ah oo ku yimi shirka.
C/casiis Daahir Bayle ayaa meesha ka saaray hadalada tilmaamaya in shirka uu joogsaday wuxuuna shaaca ka qaaday in shirka samaynta maamulka Jubbaland ay diyaar u yihiin dhamaan tasiilaadka uu baahanyahay shirku sida Dhaqaalaha,Amaanka iyo Siyaasada taasine ay sahleyso in shirka uu si habsami leh u socdo.
Salaadiinta gacanta ku haya hogaaminta shirka maamul u samaynta Jubbaland ayaa sheegay in shirku uu maalmaha kooban u hakaday Ergo laga sugayo gobolka Gedo oo kasoo dib dhhacay xiligii lagu waday iney Kismaayo soo gaaraan, Waxgaradka shirka horboodaya ayaa dhamaan shacabka gobolada Jubooyinka & Gedo ugu baaqay iney u wada istaagaan sidii dhidibada loogu aasi lahaa maamul goboleedka Jubbaland oo la rabo in lagu mideeyo gobolada J/hoose,J,dhexe iyo Gedo.
Hadalo kala duwan ayaa kasoo baxayey sababaha uu hakadka u galay shirka maamul u samaynta Jubbaland oo xariga laga jaray 4 maalmood ka hor,dowlada Soomaaliya ayaa gaashaanka u daruurta shirka ka socda magaalada Kismaayo iyadoona ku tilmaantay inuu yahay mid aan u adeegeen rabitaanka shacabka goboladaas isla markaane dadka ku hawlna shirkaasi ay hareermareen shuruucda dalka u yaalla.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho