Gaalkacyo[RBC Radio]Shirkadda isgarsinta Golis ayaa munaasabad balaaran ku qabatey magaaladda Gaalkacyo munaasabadaasi oo ay shirkaddu ku soo bandhigtey casriyen xiligaan lugu sameyey adeegyo dhor ah oo ay shirkaddu hirgalisay,waxana sidoo kale intaa ay munaasabad ay socotay shirkaddu ay bixisey abaalmarino kala gadisan oo hab nasib ah logu gulesanayey.
Munaasabadan waxaa ka soo qeyb galay maamulka gobolka Mudug,kan degmada,waxgarad,cuqaal,aqoonyahano,takhaatir,haween iyo qeybaha kala gadisan ee bulshada ku nool magaaladda Gaalkacyo.
Dah furki munaasabada waxaa hadal ka jeediyey maamulaha guud ee shirkadda Golis waxana uu maamuluhu ku dheeradey waxqabadka Golis iyo adegyadeda xiligaan ay casriyenayso waxana uu intaasi ku daray in shirkadda caalamiga ah ee Golis marwalba ay utagan tahay hormarinta isgarsinta gobolka,maamuluha ayaa intaa ku darey in xiligaan shirkaddu ay soo wado adega 3G oo ah adeeg cusub waxaana uu sheegay in uu diyaar yahay gobolada qaarkood Sida gobolka Bari balse ay xiligaan dhimantahay oo kaliya in adegas uu hirgalo.
Madaxa shirkadda Golis Gaalkacya ayaa isna dhinacisa ka warbixiyey adegyada shirka ee gobolka isgona intaas ku darey inay hormarin doonan isla markana ay balaarin doonan adegyo dhor ah oo xiligaan shirkadu hirgalisey kuwaasi si dheer bulshadu uu isticmaasho.
Munaasabadaan oo muddo socotey isla markana dhinacyo badan ay ka hadley dhamanba maasuliyinti ka soo qeyb gashey ayaa isna waxaa dhinacisa hadal bogaadin iyo mahadcelin ah ka soo jeediyey duqa degmada Gaalkac Axmed Cali Salaad waxana uu duqu kula dar darmey shirkadda Golis inay gacansiiso maamulka is ay shirkaddu ugu caawiso arimo dhor ah.
Waxaa kulankan intaa uusan xirmin kasoo qeygalayaasha fursad loo si yey inay tijaabiyan nasibkooda si ay ugu gulestaan hadyado ay shirkada Golis ugu tala gashey kuwaaso logu gulesanayey hab ah sanduuq ay ku jiraan warrqo ay ku qoranyihiin hadyadaha oo ay kasoo qeyb galayaashu gacanta lagalayen isla markana loo egayey waxaa uu ku gulestey waxana intaa ay socotey hadyadahaasi ku gulistey qar ka mid ah kasoo qeyb galayaash oo heley hadyado qaali ah oo ay qeyb ka ahaayen Mobilada gacanta oo casri ah iyo adegyo kale.
Gunaanadki munaasabada ayaa waxaa soo xirey guddoomiyaha gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac “Tigey”waxana uu guddoomiyuhu sheegey in shirkadda Golis aysan ku eken oo kaliya adegyada isgarsinta balse ay dhinacyo badan ka caawiso bulshada gobolka isagona taas mahadcelin balaaran ugu soo jediyey kuna guboobiyey inay siwadaan.
Shirkadda isgarsinta Golis ayaa ka mid ah shirkada dalka ka howlgala kuwooda ugu balaaran waxan shirkadu sanadwalba ay soo kordhisa adeegyo casri ah kuwaaso bulshada ka caawiya arimo dhoor ah.
RBC Radio
Xafiiska Gaalkacyo