Garbahaarey(RBC Radio) Maamulka gobolka Gedo ee dowlada Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday iney soo dhamaystireen qorshihii ay alshabaab kaga saari lahaayeen deegaanada ay kaga sugan yihiin gobolka Gedo gudoomiyaha maamulka gobolka Gedo Maxame Cabdi Kaliil ayaa sheegay iney u diyaar garoobeen dagaal ay alshabaab kaga sifeynayaan deegaanada ay kaga harsan yihiin gobolkaas sida uu tilmaamay.
Maxamed Cabdi Kaliil ayaa sheegay in rag ka tirsan alshabaab oo sida uu sheegay ku dhuumaaleysta qeybo ka tirsan gobolka Gedo ay halkaas ka wadaan falal amni xumo ah,wuxuuna tilmaamay in maalmaha soo socda ay qaadayaan dagaal kama danbeys ah kaasoo uu sheegay iney alshabaab kaga saarayaan guud ahaan deegaanada ay kaga sugan yihiin gobolka Gedo.
Gudoomiyaha gobolka Gedo ayaa ballan qaaday iney alshabaab ka sifeyn doonaan gobolkaas,wuxuuna rajo wanaagsan ka muujiyey iney gacanta ku qaban doonaan sugida guud aah deegaanada gobolka Gedo,wuxuuna dhanka kale baaq u diray hay’ada gargaarka isagoona ka dalbaday iney gurmad la gaaraan dadka danyarta ah ee dhibaateysan xarunta gobolka Gedo eee Garbahaarey.
Kaliil ayaa sheegay ineysan jirin hay’ad gargaar oo xiligan ka hawlgasha gobolka Gedo,wuxuuna ka codsaday hay’adaha ku shaqada leh gargaarka iney gargraar u fidiyaan dadka ku tabaaleysan deegaanada gobolka Gedo oo ay ugu horeyso magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolkaas.