Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Gen. Bariise: amniga Muqdisho waa mid wanaagsan oo la isku halayn karo

$
0
0

 

Muqdisho(RBC Radio) Taliska booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay in amniga magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya uu yahay mid wanaagsan oo la isku halayn karo xiligan  kadib markii ay magaalada ka sameeyeen hawlgalo aan kala go’ lahayn oo lagu xaqiijinayo sida ay tilmaameen saraakiisha ciidamada booliska Soomaaliya.

Afhayeenka ciidanka booliska Soomaaliyee ahna taliyaha laanta danbi baarista ciidanka booliska Soomaaliya Gen. C/llaahi Xasan Bariise ayaa sheegay in amniga magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya uu xiligan yahay mid sugan,wuxuuna tilmaamay in arintani ay ka danbeysay kadib markii sida uu sheegay ay magaalada ka sameeyeen hawlgalo isdaba joog ah oo ay ku xaqiijinayaan ammaanka caasimada Muqdisho.

Gen. Bariise ayaa daboolka ka qaaday in hawlgalada ay wadaan ciidamada booliska Soomaaliyeed ay si dardar leh uga socdaan 16-ka degmo ee uu ka kooban yahay gobolka Banaadir,wuxuuna tilmaamay iney degmooyinka magaalada Muqdisho ka wadaan baaritaano fara badan oo ay ku xaqiijinayaan sugida nabadgalyada caasimada Muqdisho isla markaane ay ku qabqabanayaan kooxaha amniga carqaladeynaya.

Afhayeenka ciidamada booliska Soomaaliyeed ayaa ku booriyey shacabka Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya iney ciidanka booliska gacan weyn kasiiyaan sugida amniga magaalada,wuxuuna ballan qaaday in waqtiyada dhow uu qof walba oo ku dhaqan Muqdisho uu dareemi doono nabad buuxda sida uu tilmaamay Gen. Bariise.

 

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles