Muqdisho(RBC Radio) Taliska ciidanka xooga dalka Soomaaliya ayaa daboolka ka qaaday iney si dhab ah dib ugu dhis ugu samaynayaan ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya taliyaha ciidamada xooga dalka Soomaaliya Sareeye Guuto Gen. Daahir Aadan Cilmi ayaa shaaca ka qaaday iney soo diyaariyeen qorshihii dib loogu dhisi lahaa cududii ciidanka qaranka Soomaaliyeed.
“Waxaan rabnaa inaan ciidanka dib ugu celino nidaamkii saxda ah ee lagu yaqaanay ciidanka xooga,waxaan u diyaarinay Tababar,Tayayn iyo Tirakoob si aan u dhisno cududa ciidanka qalabka sida ee dalka,waxaan ballan qaadayaa inaan dib usoo celin doono ciidankii xooga dalka ee la yaqaanay tayadiisa iyo waxtarkiisa” sidaasi waxaa yiri taliyaha ciidamada xooga dalka Soomaaliya Sareeye Guuto Gen. Daahir Aadan Cilmi.
Taliyaha xooga ayaa sheegay iney mudnaan gaara siin doonaan naafada ciidanka xooga dalka oo uu sheegay iney Lix-dooda Lixaad ku waayeen difaacida dalkooda,wuxuuna ku nuuxnuuxsaday in naafadu ay yihiin qaybaha ugu horeeya ee ay siin doonaan xuquuqdooda.
Gen. Daahir Aadan ayaa sheegay iney daryeeli doonaan Carruurta ay dhaleen Naafada,Waayeelada da’da ah iyo kuwa geeriyooday ee ka tirsanaa ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed si buu yiri ay ugu niyad samaadaan dhalinyarada cusub ee ka mid noqonaya ciidanka xooga isla markaane ay u dareemaan in qarankoodu uusan meelne uga tagi doonin.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho