WAR SAXAAFADEEDka UDAD.
Iyadoo beryahan arrimo cusub ay ku soo kordheen xaaladda deegaanada Puntland sida gadoodkii ciidamdaa furimaha joogey iyo qabsashadoodii dekedda iyo garoonka diyaaradaha ee magaalada Bossaso, bannaan baxyadii la xiriirey ee ka dhacay magaalooyinka Bossaso iyo Qardho, ku noqoshadii ururka UDAD ee ka qaybgalka doorashooyinka, waxaa ururka UDAD uu soo saaray baaqan soo socda:
1. Waxaan aad u cambaaraynaynaa maamulka imminka jira markii uu ku fashilmay inuu si joogta ah u bixiyo mushahaarooyinka ciidammada iyo shaqaalaha kala duwan ee dalka isla markaana ilaalin waayey ku dhaqanka madaxyada miisaaniyada umadda ee horay loo qorsheeyey.
2. Waxaan aad u dareensahanahay sababaha keenay kacdoonka ciidamada iyo shaqaalaha kaleba oo ay ugu horreyso daryeel la’aanta ku timid qoysaskooda iyo carruurtooda dugsiyada dhigata oo badankoodii la soo cayriyey marka iska bixin waayeen lacagihii.
3. Waxaan cod dheer ugu baaqaynaa xukuumadda inay si degdeg ah u bixiso xuquuqda mushahaaradka ciidammada iyo shaqaalaha kaleba, lana daryeelo qoysaskooda.
4. Waxaan aad u taageeraynaa bannaan baxyada sida nabadgelyada ah loo soo abaabuley ee ka dhacay magaalooyinka Qardho iyo Bossaso iyagoo ku cabbirayaa tabshadooda siyaasadeed .
5. Waxaan gufaynnay inta badan goldaloolooyinka uu lahaa xeerka doorashooyinka sida helidda maxkamad dastuuri ah ka hor maalinta doorashada, samaynta guddiga ilaalinta habsami u socodka oo ah guddi awooddiisu sarrayso, iyo isticmaalka khadka laysarka oo aan tirmin iwm
6. Waxaan dadweynaha reer Puntland ugu baaqaynaa inay doorashooyinka golayaasha degaanka ee soo socda xoog uga qaybgalaan, uguna hiiliyaan codkooda isbeddelka dalku u baahan yahay.
7. Waxaan u aragnaa nidaamka siyaasadeed ee ku dhisan habka qabiilku inuu halis ku yahay horumarka dalka, loona baahan yahay in loo gudbo habka dimoqraadiyaynta dhabta ah oo uu shacabku ku taamayey laga bilaabo 1998
8. Waxaan u aragnaa inta diidan inay doorashooyinku ka dhacaan degaamadoodda inay si dadban ugu adeegayaan cimri kororsiga maamulka imminka jira, isbeddel la’aan iyo qalaalso siyaasadeed oo dad iyo dalba ku ragaado.
Mahadsanidiin
Siciid Faarax Maxamed
Guddoomiyaha Ururka UDAD.
_____________________________________________________________________________
RBC RADIO