R/wasaaraha xukuumada Soomaaliya Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya ay dadaal ugu jirto sidii ay Caddaalada iyo sharciga u gaarsiin lahayd dhammaan gobolada dalka,wuxuuna tilmaamay iney muhiim tahay in sharciga iyo kala danbeynta la gaarsiiyo dhammaan dalka si loo hirgaliyo dowladnimada Soomaaliya.
Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid ayaa sheegay in xukuumada Soomaaliya ee xiligan uu hogaaminayo ay si adag uga hortagi doonto Musuqmaasuqa iyo wax isdaba marinta lagu eedeyn jiray dowladihii kumeelgaarka ee dalka soo maray,wuxuuna carrabka ku adkeeyey in laga gudbi doono qabyaalada iyo Musuqmaasuqa ragaadiyey dalka Soomaaliya.
R/wasaaraha ayaa hoosta ka xariiqay in dowlada Soomaaliya ay awoodeeda oo dhan isugu geyn doono soo celinta nabaddii iyo xasiloonidii dalka Soomaaliya,wuxuuna tibaaxay in dalku uu xiligan ku jiro xaalad adag oo u baahan karti iyo hufnaan si shacabka Soomaaliyeed looga samatabixiyo dhibaatooyinka daashaday.
Wasiirka koowaad ee xukuumada Soomaaliya Cabdi Faarax Shiirdoon ayaa intaa ku daray iney dowlada ka go’an tahay hirgalinta nidaamka dowlaiga ah,isagoona tilmaamay iney sida ugu dhaqsaha badan kusoo celin doonaan sharcigii iyo kala danbeyntii dalka.