Garoowe (RBC RADIO) Sida uu Saxaafada u sheegay Axmed Maxamed Dubeys oo xubin ka ah Gudiga Doorashooyinka Puntland waxaa 15 Maalin lagu daray Qabashada Liiska Musharaxiinta Golaha Deegaanka ee la filayo in 30ka June lagu Qabto Puntland iyadoo Maanta ay ku ekeed xiliga uga dambeeya ee loo qabtay in ururadu ay ku keenaan liiska Musharaxiintooda.
Axmed Maxamed ayaa u sababeeyey Arintaasi kadib markii Ururadu ay codsadeen in waqti dheeri ah la siiyo sidoo kalena Gudiga goorashooyinka Qudhiisa ay Hawlo badan u yaalaan sidaa darteedna waqtigaa dheeriga ah loogu daray si Ururadu ay jaanis u helaan waxaana ugu dambeeya 26ka bishaan 5ta Galabnimo sida uu Dubeys hadalka u dhigay.
Gudiga Doorashooyinka ayaa rajo wanaag ka muujiyay in Waqtiga loogu daray Ururada in ay ku keenaan Musharixiintooda u kala matali doona Xubnaha Golaha Deegaanka ee gobolada Puntland.
RBC RADIO
Xafiiska Wararka Garoowe.