Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Alshabaab oo sheegay in ujeedka shirka London uu ahaa in la gurto hantida iyo khayraadka Soomaaliya

$
0
0

Muqdisho(RBC Radio) Afhayeenka alshabaab ayaa sheegay in ujeedka shirkii London uu ahaa sidii loo boobi lahaa hantida iyo khayraadka bulshada Soomaaliyeed, Sheekh Cali Maxamuud Raage Sheekh Cali-Dheere ayaa dibindaabyo iyo shirqool ku tilmaamay qodobadii kasoo baxay shirkii arimaha Soomaaliya ee lagu soo gabagabeeyey  magaalada London.

Sheekh Cali Dheere ayaa sheegay in wadamada Yurub markii lagu soo faqriyey ay reer galbeedku usoo tafaxayteen sidii ay uga faa’iideysan lahaayeen isla markaane u guran lahaayeen khayraadka dalalka muslimiinta sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuuna sheegay in dalka Inigiriisku uu yahay dal ku caanbaxay gumeysiga isagoona ku celceliyey  inuu xiligan usoo tafaxaytay inuu markale gumeysi cusub  galiyo dalka Soomaaliya sida uu tilmaamay,wuxuuna ku nuuxnuuxsaday in alshabaab ay ka go’an tahay iney ka hortagaan shirqoolada ummada loo adeegayo sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuuna tilmaamay iney si weyn uga feejigan yihiin waxa uu ku tilmaamay hagardaamooyinka qarsoon ee wadamada reer galbeedku ay la maaggan yihiin dadka Soomaaliyeed, hogaamiyaha guud ee alshabaab Axmed Cadi Godane ayaa hore uga hadlay fikirka alshabaab ee shirka London wuxuuna tilmaamay in shirkaasi uu yahay mid Uk ay ku dooneyso iney mar kala ku kala qaybiso dadka Soomaaliyeed uuna yahay shirqool Soomaaliya loosoo maleegay.

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles