Muqdisho(RBC Radio) Gudoomiyaha maamulka deegaanka Lambar-50 ee gobolka shabeelaha hoose ayaa eed kulul u jeediyey gudoomiyaha gobolkaas C/qaadir Maxamed Nuur Siidii,C/laahi Cali Axmed oo ah gudoomiyaha deegaanka Lambar-50 oo shir jaraa’id ku qabtay gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa Isbaarooyinka daadsan gobolka Shabeelaha hoose sheegay inuu ka danbeeyo gudoomiyaha gobolkaas.
C/laahi Cali ayaa shaaca ka qaaday in gudoomiye Siidii uu masuul ka yahay Isbaarooyinka kusoo badan guud ahaan deegaanada gobolka Shabeelaha hoose,wuxuuna tilmaamay in C/qaadir Siidii uu ciidan isaga u gaara uu dhigay deegaanka Muuri ee u dhexeeya degmada Afgooye iyo deegaanka Lambar-50 kuwaas oo uu sheegay iney wadada dhigteen Isbaarooyin fara badan oo lagu dhibaateynayo shacabka ku dhaqan gobolkaas.
Gudoomiyaha deegaanka Lambar-50 ayaa ku sheegay shirkiisa Jaraa’id inuu xiriiro la sameeyey wasaarada arimaha gudaha dalka iyo saraakiisha hogaaminaya ciidamada dowlada Soomaaliya ee ku sugan gobolkaas,wuxuuna tibaaxay iney isku afgarteen in si wada jir ah wax looga qabto dhibaatooyinka uu Siidii ka wado gobolkaas sida uu hadalka u dhigay.
Shirka Jaraa’id ee uu Muqdisho ku qabtay gudoomiyaha deegaanka Lambar-50 ayaa imaanay xili ay shaqa joojin ku dhaqaaqeen gaadiidleyda ka dhex shaqaysa gobolada Shabeelaha hoose iyo Banaadir,waxaana sidoo kale ka hadlay madasha uu shirka Jaraa’id ku qabtay gudoomiyaha deegaanka Lambar-50 odayaal iyo waxgarad kasoo jeeda shabeelaha hoose kuwaas oo dhammaantooda weeraray siyaasada gudoomiyaha gobolkaas C/qaadir Maxamed Nuur Siidii.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho