Muqdisho(RBC Radio) R/wasaaraha xukuumada Soomaaliya Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid ayaa daboolka ka qaaday in dowladu ay dhawaan si rasmi ah u bilaabi doonto mashaariic horumarineed oo dib loogu dhisayo adeegyada muhimka ah ee bulshada kuwaas oo ay ka fulineyso gobolada kala duwan ee dalka.
Wasiirka koowaad ee xukuumada Soomaaliya Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid Saacid ayaa sheegay in qorshaha soo celinta badda iyo soo kabashada dalka ay maalmaha soo aaddan si rasmi ah u bilaabi doonaan,isagoona ku nuuxnuuxsaday iney gobolada si siman uga faa’iideysan doonaan mashaariicdaas.
Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid ayaa sheegay iney si adag ula dagaalami doonaan ururka alshabaab oo uu sheegay iney caqabad ku yihiin horumarka dalka,wuxuuna intaa ku daray iney si wanaagsan u abaalmarin doonaan cid walba oo ka qayb qaadata la dagaalanka waxa uu ku tilmaamay argagixisada caalamiga ah ee dalka kusoo duushay.
R/wasaare Saacid ayaa sheegay iney ka go’an tahay dowlada Soomaaliya sidii ay wax badan uga qaban lahayd horumarinta adeegyada aas-aasiga ah ee bulshada Soomaaliyeed kuwaas oo ku burburay dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay ,dowlada Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta sidii ay usoo nooleyn lahayd kaabayaashii dowliga ahaa ee dalka.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho