Mandheera(RBC Radio) Wararka ka imaanaya deegaanka Raamo ee hoostaga degmada Mandheera ee gobolka waqooyi bari ee dalka Kenya ayaa sheegaya in dagaal beeleed ka dhacay deegaankaas uu dhaliyey dhimashada 5 ruux oo ka mid ahaa dadka deegaanka dagaalka ayaa sidoo kale geystay dhaawaca intaa inkabadan sida ay ku waramayaan waxgaradka deegaanka Raamo.
Xaaji Barre Xasan oo ah gudoomiyaha gudiga hore loogu saaray xalinta colaada u dhexeysay labadan beelood oo soo jiitameysay in muddo ah wuxuuna sheegay in deegaanka uu ka dhacay dagaal ba’an kaasoo dhaliyey burbur soo gaaray deegaanka Raamo iyo barakac ku yimi dadkii ku dhaqnaa Raamo oo ka cararay colaada ka dilaacday deegaankooda.
Maxamed IbraahimCaliyow oo ka tirsan waxgaradka deegaanka Raamo ee hoos yimaada degmada Mandheera ayaa dowlada Kenya ku eedeeyey ineysan waxba ka qaban xalinta iyo ka hortagida dhibaatada ka dhacday deegaanka Raamo,wuxuuna sheegay in deegaanka uu ka dhacay dagaal ba’an oo aan waxba la iskula harin.
Caliyow ayaa ka dalbaday dowlada dalka Kenya iney si deg deg ah wax uga qabato dhibaatada iyo colaada ka oogan deegaanka Raamo,wuxuuna ugu baaqay beelaha dagaalamaya iney joojiyaan colaada.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho