Biringham(RBC Radio) Wasiirka gaashaandhiga xukuumada Soomaaliya C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya aysan aqbali doonin in dalka Soomaaliya uu hooy u noqdo waxa uu ku tilmaamay argagixisada caalamiga ah,wasiirka ayaa alshabaab ku eedeeyey iney yihiin cadow aan waxba reebeen oo gumaad qaawan ku haya dadka Soomaaliyeed sida uu tilmaamay.
Fiqi ayaa sheegay iney dowlada Soomaaliya ka go’an tahay iney dib usoo nooleyso ciidankii Soomaaliya ee lahaa Xoogga,sharafta iyo Cududa buuxda ee qaybta libaax ka qaatay xoreynta dalal badan oo ku yaalla qaarada Afrika si ay dalka uga difaacaan argagixisada kusoo duushay sida uu hadalka u dhigay ,wuxuuna tilmaamay in xiliyada dhow ay dhismi doonaan ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.
Wasiirka gaashaandhiga ayaa sheegay iney ciidamada dowlada Soomaaliya yihiin geesiyaal qaran oo u bareeray iney shacabka Soomaaliyeed ka difaacaan dhibaatada ay ku hayaan alshabaab sida uu sheegay,wuxuuna ku celceliyey in ciidanku ay mudan yihiin ammaan iyo bogaadin,wuxuuna intaa ku daray iney wadi doonaan hawlgalada ay ku doonayaan iney alshabaab kaga sifeeyaan deegaanada ay dalka kaga sugan yihiin.
C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa ka dalbaday shacabka Soomaaliyeed iney is garab taagaan ciidamada Soomaaliyeed ee u dhabar adayga iney duruufaha adag ugu adeegaan bulshadooda,wuxuuna shaaca ka qaaday iney jiraan kooxo caadeystay iney xumeeyaan sumcada ciidanka qaranka kuwaas oo soo labista direeska ciidanka isla markaane dhibaato u geysta shacabka Soomaaliyeed.