Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Fowziyo Yuusuf:Ganacsatada Soomaaliyeed waxay dhiseen dalal shisheeye,waxaa la gaaray xiligii ay maalgashan lahaayeen dalkooda

$
0
0

Biringham(RBC Radio) Wasiirka arimaha dibada Soomaaliya Fowziya Yuusuf Xaaji Aadan ayaa ka dalbatay ganacsatada Soomaaliyeed iney maalgashadaan  dalkooda Hooyo ,Fowziyo oo hadal u jeedineysay Jaaliyada Soomaaliyeed ee magaalada Biringham ayaa ka codsatay qurba joogta Soomaaliyeed iney u istaagaan maalgashiga dalkooda.

Fowziya Yuusuf Xaaji Aadan ayaa sheegay in ganacsatada Soomaaliyeed ay hormuud ka yihiin horumarka dhaqaale iyo maalgashiga wadamo badan oo caalamka ah sida Kenya,Koonfurta Suudaan,Imaaraadka Carabta Dubai iyo dalka Koonfur Afrika oo Soomaalidu ay ku sameeyeen maalgashi baaxad leh ,waxayna tilmaantay in xiligan ganacsatada ay la gudboon tahay iney dalkooda usoo weeciyaan maalgashiga ay ka samaynayaan wadamada shisheeye.

Waiirka arimaha dibada Soomaaliya ayaa intaa ku dartay in Soomaalidu ay dhistay dalal shisheeye xili uu dalkeedu burbursan yahayuna baahan yahay dib u dhis deg deg  ,Fowziya ayaa hoosta ka xariiqday in Isbitaaladii dalka iyo  dugsiyadii waxbarashadu  ay baaba’san yihiin isla markaane dadka Soomaaliyeed looga fadhiyo dib u dhiskooda.

Wasiirka arimaha dibada Soomaaliya ahna R/wasaare ku xigeenka Fowziya Yuusuf Xaaji Aadan ayaa qirtay in dalka ay ka jiraan mushkilado dhowr ah oo u baahan in laga gudbo,waxayna tilmaantay iney dalka horyaalaan,kala maqnaanta bulshadii Soomaaliyeed,burburka dalka,dhaqaalo xumi iyo amni darro,waxayna tibaaxday in dhammaan caqabadahaas looga gudbi karo midnimo iyo iskaashi iney la yimaadaan dadka Soomaaliyeed.

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles