Burco(RBC Radio) Wararka ka imaanaya magaalada Burco ee xarunta gobolka tog-dheer ayaa ku waramaya in Nin lagu magacaabo Maxamed Axmed Xirsi uu xaaskiisa ku dilay magaalada Burco,wararka aan ka heleyno magaalada Burco ayaa tilmaamaya in Ninkani uu xaaskiisa ku dilay Toorey,waxaana la tilmaamay inuu xaaskiisa si arxan darro ah ula dhacay in kabadan 10-Tooray taasoo keentay iney geeriyooto.
Xaaska la dilay oo lagu magacaabi jiray Farxiyo Daahir ayaa waxaa la sheegay iney Maxamed oo ahaa Saygeeda dilka u geystay ay wada noolaayeen muddo bilo ah isla markaane ay dhawaanahan isguursadeen mana cadda sababta ku xambaartay Ninkani inuu xaaskiisa dilka kula dhaqaaqo.
Ciidamada booliska magaalada Burco ayaa markiiba soo gaaray goobta uu dilku ka dhacay oo ah xaafada Tawali ee ka tirsan magaalada Burco,waxayna gacanta kusoo dhigeen gacan ku dhiiglihii sida arxan darrada ah u dilay xaaskiisa,booliska ayaa Ninkani ku haya Saldhigga booliska Burco waxayna ku hayaan baaritaano ku aaddan wixii ku qasbay inuu xaaskiisa khaarajiyo.
Shacabka ku dhaqan Burco la si weyn u hadal haya Dhacdadan foosha xun ee ninkani uu kula dhaqaaqay xaaskiisa,waxaana lasoo sheegayaa in gacan ku dhiiglaha dilay xaaskiisa uu Miyirkiisu taam yahay isla markaane uusan qabin xannuun dhanka maskaxda ah oo,dhawaan ayey ahayd markii uu nin ku dhaqnaa magaalada Hargeysa uu dilay xaaskiisa iyo Carruur uu dhalay kadibne isagu iska jaray xubintiisa Taranka.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho