Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Madaxweyne Xasan Sheekh oo sheegay in horumarka dalku uu ku xiran yahay shacabka Soomaaliya

$
0
0

 

Biringham(RBC) Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaaca ka qaaday in horumarka dalka Soomaaliya uu ku xiran yahay shacabka Soomaaliyeed madaxweynaha oo ka hadlayey kulan uu la qaatay  Jaaliyada Soomaaliyeed ee magaaalada Birmingham ee dalka Ingiriiska ayaa hoosta ka xariiqay in shacabka looga fadhiyo horumarinta dalkooda hooyo.

Xasan Sheekh Maxamuud madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya ayaa daboolka ka qaaday in wadamada beesha caalamku ay kasoo bexeen kaalintii uga aaddaneed wax ka qabashada xaaladaha adag ee dalka Soomaaliya,wuxuuna ku n uuxnuuxsaday in xiligan shacabka Soomaaliyeed ay horseed ka noqdaan dib u soo celinta qaranimadii dalka Soomaaliya.

Madaxweyanah ayaa sheegay iney ka go’antahay dowlada Federaalka Soomaaliya sidii ay u mideyn lahayd dhaqaalaha,Siyaasada iyo amniga dalka Soomaaliya,wuxuuna tilmaamay iney wado dheer ka sokayso gaarida arintaas iyo ka miro dhalinteeda,sidaas darteedne loo baahan yahay dadaal iyo dhabar adayg in la muujiyo si loo

Madaxweynaha ayaa ku celceliyey in shacabka Soomaaliyeed ay la gudboon tahay iney casshar ka bartaan waxyaabihii soo maray isla markaane ay ka waantoobaan iney dib ugu noqdaan wadooyinkii iyo waxyaabihii fashiliyey qaranimadii umada Soomaaliyeed.

Wuxuuna kula dardaarmay shacabka Soomaaliyeed iney ka wada shaqeeyaan horumarka dalka iyo sidii markale loosoo celin lahaa dowladnimadii umada Soomaaliyeed loogane bixi lahaa dhibaatada shacabka daashatay.

Madaxweynaha ayaa sheegay iney rajo weyn ka qabaan iney sida ugu dhaqsaha badan iney u heli doonaan lacagihii Soomaaliya loogu yaboohay intii uu socday shirkii London ee arimaha Soomaaliya,wuxuuna tilmaamay iney wax badan iska bedeleen hab-dhaqankii dowlada Soomaaliya ay kula macaamili jireen dowladaha Soomaaliya maadaama uu dalku ka baxay marxaladii ku meelgaarnimada.

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqduisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles