Boosaaso[RBC Radio] Kulan ballaaran oo maanta magaaalada Boosaaso ku yeesheen Xubnaha sarsare ee Gollaha Samata- bixinta Puntland ayey shaaca kaga qaadeen in Banaanbixii Boosaaso ay soo qabanqaabiyeen isla markaana uu ahaa mid si Nabadgelyo ku dhacay balse Ciidamada Booliska&Badda Rasaas ugu Jawaabeen dareenka Shacabka.
Guddoomiye Kuxigeenka 1-aad ee Gollaha Samata-bixinta Puntland Eng Cabdirisaaq Xuseen Gacayte ahna Kusimaha Guddoomiyaha Gollaha oo Saxaafada la hadlay ayaa sheegay in Banaanbaxa maanta Boosaaso ka dhacay ay dadku ku Cabarayeen dareenkooda arrimaha ka xiligaan ka taagan Puntland.
![](http://www.raxanreeb.com/wp-content/uploads/01264.jpg)
uddoomiye Kuxigeenka 1-aad ee Gollaha Samata-bixinta Puntland Eng Cabdirisaaq Xuseen Gacayte ahna Kusimaha Guddoomiyaha Gollaha
…”"”" Halkan maanta,waxaa ka dhacay Banaanbax nabdoon oo ay soo abaabuleen dhalinyaradii,dumarkii iyo Odayaashii,arimahooda iyo danahooda gaarga ah ay kaga hadlaayeen xaalada maanta Puntland ay ku sugantahay dareenkooda ay kaga turjumaayeen….”"”ayuu sheegay Eng Cabdirisaaq.
Halkan ka dhageyso Codka Eng Cabdirisaaq Xuseen Gacayte Guji Halkan
Eng Cabdirisaaq Xuseen Gacayte ayaa sheegay in nasiib daro ay tahay in dad Banaanbax si nabad ah u dhigaayey ay Ciidamada Booliska iyo Kuwa Badda Puntland rasaas kala hortagaan tallaabadaasna uu Golluhu si weyn u Canbaareynaayo.
…”"”Nasiib daro Booliska qeyb kamid ah ayaa dadkii Xabadeeyey,khasaare ilaa hadda lama soo sheegin laakiin arrin fool xun oo Booliska qeybtiis sameeyen bey ahayd aad baana uga Xunahay,waxaana lagama maarmaana in dadku dareenkooda si Nabdoon ku muujiyaan…”"ayuu yiri.
Waxa uu tilmaamay in Gollaha Samata- bixinta Puntland lixdii bilood ee lasoo dhaafay uu ka shaqeynaayey arrimaha Puntland,wuxuuna ka digay in Xaalada sida hadda ay ku socoto ku danbeyn doonto burbur iyo kala danbeyn la’aan.
Suldaan Siciid Axmed Yuusuf oo kamid ah Odayaasha gobolka Bari ayaa baaq u Jeediyey Waxgaradka iyo Ganacsatada Puntland,wuxuuna ku booriyey in Xaalada Puntland wax ka qabtaan isla markaana ka qaataan kaalinta muga leh ee ay ku leeyihiin.
Halkan ka dhageyso Codka Suldaan Siciid Axmed Yuusuf Guji Halkan
…”"”"Maanta Xaalada ka dhacday Puntland oo ah Mudaharaad silmi ah oo ay soo abaabuleen Gollaha Samatabixinta Puntland iyagoo ku Cabariya ra’yigooda iyo wacyiga maanta ka jira dalka,iyagoo aan ku talagelin dhankooda dagaal iyo burbur ee ay ku talagaleen ra’yigooda in Caalamka tusaan..”"ayuu yiri Suldaanku.
Waxa uu xusay in Ujeedka dadku Banaanbaxa maanta Boosaaso uga dhigeen ay ahayd sidii ay ra’yigooda Caalamka ugu bandhi lahaayeen iyagoon sameyn dagaal iyo burbur wax u dhimi kara Jiritaanta Ummada Puntland.
...”"”" Ganacsatooy Ummadu waxa weeye in ay danteeda ka tashato,albaabka labaad ee dalka Hoggaamiya waa ganacsato qofkuna in dantiisa ka gabado lama rabo,waxaa la rabaa in kaalinta uu leeyahay ninka ganacsadaha ee Illaahay karaama siiyey in uu ku Xisaabtamo isuna soo taago…..”"”ayuu yiri.
Dhanka kale Caaqil Axmed Qaxiye,Eng Siciid Farabadane iyo Maryan Muuse Cismaan (Dhiil) ayaa si isku mid ah u dhaliilay Xukuumada Madaxweyne Cabdirixmaan Faroole,waxayna bulshada ugu baaqeen in Nabadgalyadooda ka tashadaan.
Halkan ka dhageyso Codka Caaqil Axmed Qaxiye Guji Halkan
Halkan ka dhageyso Codka Maryan Muuse Cismaan Guji Halkan
______________________________
RBC Radio