London(RBC Radio) Qaramada Midoobe ayaa sheegtay in ciidanka AMISOM ee lagu dilay gudaha Soomaaliya ay gaarayaan in kabadan 3 Kun oo askari kuwaas oo badankoodu u dhashay wadamada Uganda iyo Brundi ku xigeenka xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobe Jan Eliasson ayaa sheegay iney wax laga naxo tahay in 3-Kun oo askari AMISOM looga dilo gudaha Soomaaliya tan iyo markii ay hawlgalka nabad ilaalinta ka bilaabeen dalka Soomaaliya sanadkii 2007-dii.
Jan Eliasson oo wariyaasha kula hadlayey magaalada London ee caasimada dalka Ingiriiska intii uu socday shirkii arimaha Soomaaliya ee lagu qabtay London ayaa yiri”waxaan doonayaa inaan xuso dalalka iyo askarta naftooda sida weyn ugu huray nabadeynta Soomaaliya,waxaana ugu horeeya dalalka Uganda iyo Brundi”.
Ku xigeenka xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobe Jan Eliasson ayaa tilmaamay in tirada AMISOM looga dilay dalka Soomaaliya tan iyo markii ay bilaabeen hawlgalkooda Soomaaliya sanadkii 2007 ay ku dhowdahay tirada ciidanka nabad ilaalinta Qaramada Midoobe ee hawlgal ku dhintay ilaa sanadkii 1948-dii oo gaaraya 36,096 askari.
18-Kun oo askari ayaa AMISOM ka jooga gudaha dalka Soomaaliya kuwaas oo dagaal adag kula jira dagaalamayaasha alshabaab,waxayna gacan ka geysteen ka saarida alshabaab magaalooyin badan oo muhim ah oo ay sanadihii lasoo dhaafay ka ariminayeen.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho