Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Kulan looga hadlayo ganacsiga Soomaaliya oo dhawan lugu wado inuu ka dhaco Nairobi

$
0
0

Nairobi [RBC Radio]Sida uu qoray wargeyska The Star ee ka soo baxa Nairobi 28-ka ilaa 29-ka bishan May waxaa lugu wadaa in magaaladda Nairobi ee xurunta dalka Kenya uu ka qabsoomo kulan ay isugu imaan doonan madaxda shirkadaha ganacsiga gaarka loo leeyahay ee dalalka Bariga Afrika waxan ay falaaqen doonan sida ugu dhow ee dalka Soomaaliya maalgashi ay ku sameystaan.

Sidoo kale waxaa lugu wadaa in la isla soo qado sidii shirkadahaasi ay ugu qeyb qadan lahaayen dib u dhiska dalka Soomaaliya oo xiligaan uu ka muqdo bur bur ay sabbabeen  dagaalladi dalka ka dhacay.

Maxamuud Cabdikariim Gabeyre guddoomiyaha rugta ganacsiga Soomaaliya ayaa sheegey in xiligaan uu yahay xiligii looso jestey malgashiga dalka iyo sidii loga qeyb qadan lahaa dibu dhiska dalka.

Madaxda xiligaan ee talada dalka haysa ayaa marar badan ku baaqey in shirkada iyo wadamada caalamka iney ka qeyb qaatan dibu dhiska dalka iyo sidii loo malgalin lahaa dalka xiligaan,dhawana magaaladda London kulan uu ka qeyb galey madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheikh Maxamuud oo ay isugu yimaaden ganacsato badan ayaa waxaa uu baaq udirey madaxweynahu ganacsatada iyo shirkadaha ganacsiga inay usoo jestaan malgashiga dalka ay dagaalladu halakeyen ee Soomaaliya.

Wixii ka danbeeyey sanadkii 1992-kii waxaa dalku uu ahaa mid bur bur xoogan ka muqdo balse xiligaan waxaa soo baxeysa ififaaloyin ka duwan xiligaa iyadoona ay jiraa dhinacyo iyo shirkado xiligaan isku howley dibu dhiska dalka.

 
Iimaan Maxamed Jaamac
RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles