Clik here to view.

Banaanbaxii Maanta oo soo Xoogeystay
Boosaaso[RBC Radio] Waxaa maanta magaaladda Boosaaso ka dhacay Banaanbax weyn oo ay ka qeybqaateen dadweynaha magaaladda kaas oo ay soo qabanqaabiyeen Gollaha Samata-bixinta Puntland,waxayna dadku dhaliil usoo Jeediyeen Xukuumadda Puntland isla markaana waxay ku taageen in Mushaarka ka maqan Ciidamada la siiyo.
Ciidamada Dawladda gaar ahaana kuwa Badda iyo Booliska ayaa ku bilaabay dadka Banaanbaxa dhigaayey rasaas xoogan oo laga maqlaayey daafaha magaalada balse Isha Banaanbaxa ayaa ahayd Xaafada Laanta Hawada ilaa Wadada dheer laamiga.
Dadka Banaanbaxa sameynayey oo u badnaa dhalinyaro iyo haween ayey Ciidamadu ku kala eryeen rasaas taasina waxa ay keentay in dadku mid mid u kala firxadaan taasoo keentay in dib ugu noqdaan Guryahooda.
Image may be NSFW.
Clik here to view.
Ciidamada Badda Puntland ee PMPF ayaa bilaabay maanta iney adeegsadaan ilaa laba diyaaradood oo Helikobter ah kuwaas oo ay ku rakiban yihiin qoryaha Dhashiikaha,waxayna Cabsi xoogan guuxoodu ku beeraya Shacabka magaaladda ku dhaqan.
Shacabka Banaanbaxa wadey ayaa watey boorar ay ku qornaayeen erayo lidi-ku ah Xukuumadda Madaxweyne Cabdirixmaan Faroole ayna kamid yihiin” Ciidanka Xaqooda hala siiyo,Doolar qaate dooni mayno iyo Xisbi beena dooni mayno.
Talaabada ay qaadeen dadka Banaanbaxa sameynaayey ayaa kusoo beegmay xili maalintii Arbacada ahayd Ciidamada Daraawiishta Puntland iyaga oo gadoodsan ay qabsadeen Kantaroolka,Dekeda iyo Bangiga,waxayna u muuqataa in dadka Banaanbaxa wadey ka Careysnaayeen lacagaha ka maqan Ciidanka.
Dhanka kale Madaxweyne Kuxigeenka Puntland Gen.Cabdisamad Cali Shire oo soo gaaray magaaladda Boosaaso ayaa saaka kulamo la qaatay Saraakiisha Ciidamada Daraawiishta ee gadoodka sameeyey balse waxaan la Ogeyn wadahadalada dhexmaray natiijada kasoo baxday walow Ciidamadu muddo kooban qabsadeen si Mushahrkooda ka maqan loogu siiyo.
Image may be NSFW.
Clik here to view.Image may be NSFW.
Clik here to view.Image may be NSFW.
Clik here to view.
Image may be NSFW.
Clik here to view.Image may be NSFW.
Clik here to view.
Image may be NSFW.
Clik here to view.
Image may be NSFW.
Clik here to view.
Image may be NSFW.
Clik here to view.
Image may be NSFW.
Clik here to view.
Wixii Kusoo Kordha kala Soco Raxanreeb Online
___________________________
RBC Radio