Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Madaxweynaha Kenya oo dalbaday in dalkiisa laga gacan siiyo dib usoo celinta Qaxoontiga Soomaaliyeed

$
0
0

 

London(RBC) Madaxweynaha wadanka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa beesha caalamka ka dalbaday in dalkiisa laga gacan siiyo sidii qaxoontiga Soomaaliyeed ee ku nool gudaha Kenya dib loogu soo celin lahaa deegaanadii ay ka hayaameen ee gudaha dalka Soomaaliya,Kenyatta oo ka qaybgalay kulan gaar ah oo R/wasaaraha Ingiriisku uu la yeeshay madaxda gobolka geeks aAfrika kadib markii uu soo dhamaaday Shirkii arimaha Soomaaliya ee London ayaa sheegay iney u baahan yihiin taageero caalami ah si qaxoontiga Soomaaaliyeed dalkooda dib loogu soo celiyo.

Madaxweynaha Kenya ayaa sheegay in qaxoontiga faraha badan ee ku sugan xeryaha qaxootiga ee ku yaalla dalka Kenya iney caqabad ku yihiin amniga Kenya,wuxuuna sheegay in Kenya ay ku dhawaad 20 sano dalkeeda ku haysay qaxootiga Soomaaliyeed xiligane lasoo gaaray waqtigii dalkooda dib loogu calin lahaa.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa hoosta ka xariiqay in Kenya aysan awood u lahayn iney dalkeeda kusii hayso xadiga intaa la eg ee qaxoontiga Soomaaliyeed ah,wuxuuna ku celceliyey in xiligan ay suurta gal tahay dib u celinta qaxoontiga Soomaaliyeed maadaama uu sugan yahay amniga gobolada dalka isla markaane laga saaray alshabaab.

R/wasaaraha dalka Ingiriiska David Cameron ayaa ammaanay doorka dowlada Kenya ee arimahaSoomaaliya,wuxuuna Kenya ku bogaadiyey sida ay dalkeeda ugu soo dhaweysay boqolaalka Kun ee xaqoontoga Soomaalida ah kuwaas oo ka cararay colaadaha ka jira dalkooda.

Cameron ayaa sidoo kale Kenya ku ammaanay kaalintii ay ka qaadatay la dagaalanka alshabaab iyo ku biirinta ciidankeeda hawlgalka nabad ilaalinta midowga Afrika ee AMISOM oo ay taageeraan deeq bixiyaasha reer Galbeedka.

Dalka Kenya ayaa waxaa ku yaalla xerada qaxoonti ee ugu weyn dunida,waxaana ku jira xeryaha qaxoontiga dalka Kenya Nus Malyuun qaxoonti Soomaaliyeed ah oo qaarkood ku noolaa xeryahaa in kabadan 22 sano.

 

 

RBC Radio

 

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles