Muqdisho(RBC Radio) Madaxa hay’ada CRD Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa ku booriyey dowlada Soomaaliya iney dadaal u gasho sidii ay usoo xero galin lahayd lacagaha loogu yaboohay,Jabriil ayaa farta ku fiiqay in dowlada looga fadhiyo ineysan dhicin sidii hore looga barta beesha caalamka kuwaas oo intey lacago fara badan ku yaboohaan hadane ay ku sinaan jirtay afka baarkiisa,wuxuuna ku adkeeyey dowlada iney dabagasho iskuna hawsho sidii ay lacagahaasi gacanteeda usoo gali lahaayeen.
Madaxa hay’adda CRD ayaa sheegay in dowlada looga fadhiyo iney la timaado qorshe cad oo lagu maamulayo dakhliga yar ee dowlada kasoo gala ilaha dhaqaalaha dalka sida garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo dekedda Muqdisho,wuxuuna shaaca ka qaaday in hadii dowladu ay ku guuleysato iney si hagaagsan u maamusho lacagahaas iney hubaal tahay iney abuurmeyso in kalsooni buuxda lagu qabo dowlada.
Jabriil Ibraahim Cabdulle madaxa hay’ada CRD ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed iney taageero hagar laa’aaneed la garab istaagaan dowlada Soomaaliya oo halgan ugu jirat sidii ay u kasban lahayd taageerada beesha caalamka si looga soo kabto qaran jabkii ku dhacay ummada Soomaaliyeed.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho