Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Dagaal khasaare geystay oo ciidamada dowlada iyo alshabaab ku dhexmaray gobolka Baay

$
0
0

Baydhabo(RBC Radio) Kolonyo ka tirsan ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo kasoo ambabaxay deegaanka Goofguduud ee gobolka Baay kuna soo jeeday degmada Baydhabo ee xarunta gobolkaas ayaa waxaa jidka u galay rag ka tirsan ururka alshabaab ee dagaalka kula jira dowlada Soomaaliya iyo ciidanka nabad ilaalinta midowga Afrika ee AMISOM,dagaalka ayaa ka dhacay deegaanka Bohoraar oo 12-KM duleedka ka ah magaalada Baydhabo.

Dagaallka oo ahaa mid muddo socda ayaa waxaa la sheegay inuu dhaliyey Khasaaro nafeed oo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay,saraakiil ka tirsan ciidamada dowlada Soomaaliya oo ku sugan deegaanada ay dagaaladu ka dheceen ayaa waxa ay ku warameen in dagaalka ay ku dhinteen 6 ruux oo labada dhinac ee dagaalamay ah.

Saraakiisha dowlada ayaa sheegay in dagaalka ay kaga geeriyoodeen 2 askari oo ka tirsan ciidanka xooga dalka,waxayna tilmaameen iney dhalnka alshabaab ka dileen 4 ka tirsan dagaalamayaasha alshabaab,mana jiro wax war ah oo kasoo baxay kooxda alshabaab kaasoo ku aaddan dagaalka ka dhacay deegaanka Bohoraar ee duleedka degmada Baydhabo.

Saraakiisha ciidanka dowlada ee gobolka Baay gaar ahaan aagga deegaanka Goofguduud ayaa waxa ay sheegeen iney goobtii lagu dagaalamay ku sugan yihiin ciidamada dowlada Soomaaliya isla mar ahaantaane ay meesha ka eryeen kooxdii dagaalka soo qaadda sida ay tilmaameen.

Deegaanada kala duwan ee gobolka Baay ayaa waxaa ka socda dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo ay wadaan dhinacyada alshabaab iyo dowlada Soomaaliya,dowlada ayaa dadaal ugu jirta sidii ay alshabaab uga saari lahayd deegaanada ay hada gacanta ku hayaan halka alshabaabne ay doonayaan iney xejistaan goobaha aan badneen ee ay kaga sugan yihiin gobolka Baay.

 

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles